fredag, april 19, 2024

Wasaaradda A. Dibadda oo ku talineyso in dalalkan aan loo safrin.

Wasaaradda arrimaha dibadda dowlada Norway ayaa qoraal ay maanta soo saartay dadka Norway kunool kala talisay inay u safraan wadamada Faransiiska, Monoco, Switzerland, Czech Republic iyo labo gobol oo katirsan dalka Sweden(Skåne og Kronoberg).

Dadka kasoo gala dalalkan iyo labada gobol ee Sweden, ayay dowladu sheegtay inay gali doonaan Karantiil 10 beri ah, wixii ka danbeeyo 8-da August.

Dowlada ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in xanuunka Covid-19 uu kusoo badanayo qeybo kamid ah dalalka Yurub, ayna muhiim tahay in dadka safarada galayo ay la socdaan xaalada xanuunka ee dalka ay u safrayaan.

Xigasho/kilde: Endring i reiseråd for Frankrike, Monaco, Sveits og Tsjekkia

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x