W. Caafimaadka oo sheegay mawqifka dowlada ee marada afka(Munnbind)

0
70
Bent Høie: Wasiirka caafimaadka Norway Foto: Skjermdump/Regjeringen.no

Khuburada dhanka caafimaadka ayaa dhowr mar dowlada Norway talo ahaan ugu soo jeediyay in dadweynaha waajib looga dhigo xirashada marada afka lagu xirto (Munnbind), si loo yareeyo faafitaanka xanuunka Covid-19. Sida ay sameeyeen dalal badan oo caalamka ah.

Waxaana maalmihii ugu danbeeyaya aad kor ugu kacay qiimaha marada afka lagu xirto(Munnbind), iyaga oo gabaabsi ka gaaray goobaha lagu biiyio. Maadaama la filan karay in dowladu ay soo rogi doonto amar ah inay waajib noqon doonto marada afka la xirto, marka uu qofku banaanka gurigiisa uga soo baxo.

Wasiirka caafimaadka Norway, Bent Høie ayaa maanta sheegay inay dhici karto in dadweynaha ay dowladu kula taliso inay xirtaan marada afka, xaaladaha qaarkood. Balse wuxuu sheegay in ilaa hada qorshaha dowlada uusan ku jirin in waajib laga dhigo xirashada marada afka(Munnbind).

Wasiirka caafimaadka ayaa sheegay in faah-faahinta arrinta ay dowladu kusoo bandhigi doonto shirka jaraa´id ee maanta oo jimce ah, saacada 14:00 lagu qaban doono xarunta dowlada, loogana hadli xaalada cusub ee Norway iyo xanuunka Covid-19. Iyo talaabooyinka dowlada.

Xigasho/kilde: Høie: Ikke aktuelt med påbud om munnbind

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments