W.Caafimaadka: Hadii xanuunku sii bato, waxaan ku qasbanahay inaan wadanka mar kale xirno.

0
122
Wasiirka caafimaadka Norway. Foto: Wikipedia

Wasiirka caafimaadka Norway, Bent Høie oo shir jaraa´id qabtay ayaa sheegay in dadka ugu badan ee maalmihii ugu danbeeyay xanuunka covid-19 laga helayay ay ahaayeen dhalinyarada, meelaha ugu badan ee laga qaadana ay tahay goobaha xafladaha tamashlaha.

Wasiirka ayaa sheegay in dhalinyaro badan oo xanuunka qaba, aysan dareensaneyn ama aysan ogeyn inay xanuunka qaadeen. Wuxuuna dhalinyarada xafladaha ka qeybqaato kula taliyay inay baaritaan iska qaadaan-

Xiligan oo kale bilowga sanad dugsiyeedka cusub, waxay ardeyda jaamacadaha isbuuca koowaad ee sanad dugsiyeedka waxbarashada dhigtaan xaflado waaweyn oo ardeyda cusub loogu sameynayo soo dhaweyn(Fadderuke).

Wasiirka ayaa dhalinyaradana ka codsaday inay joojiyaan xafladahaas, ayna raacaan xeerarka ka hortaga faafitaanka xanuunka. Jaamacadaha iyo iskuulada qaarkood ayaa sanadkan kansalay isbuuca soo dhaweynta, iyaga oo ka cabsi qaba in dhalinyaradu uu xanuunka ku faafo.

Wasiirka ayaa ugu danbeyn sheegay in dowladu ay ku qasbantahay inay wadanka xirto mar labaad, hadii uu xanuunka sii bato.

Xigasho/kilde:  Hvis smitten øker mye, må vi stenge landet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments