Turjubaan soomaali ah oo lagu heysto inuu jabiyay sharciga xog-qarinta(T.P)

0
157
Foto: Skjermdump-Aftenposten-vg

Labo isbuuc ka hor waxaa magaalada Sarpsborg qof ku dilay, labo kalena ku dhaawacay nin soomaali ah oo markii danbe la ogaaday inuu maskax ahaan u xanuunsanaa. Halkan kasii akhri

Warbaahinta lokalka ah ee magaalada Sarpsborg iyo waliba ku waaweyn ee wadanka, ayaa maqaalo kala duwan oo lagu falanqeynayo dhacdadaas ka diyaariyay wiilka soomaaliga ah ee dilka geystay, si loo ogaado xaaladiisa caafimaad ee maskaxda iyo sababtii arintan ku kaliftay.

Wargeyska VG oo kamid ah wargeysyada waaweyn ee Norway, ayaa warbixin ay 19-kii bishii tagtay ee July ka diyaariyeen ninka dilka geystay, ku wareystay haweenay turjubaan soomaali ah oo sheegtay inay ninka dilka geystay turjubaan uu noqotay xiliyo hore.

Turjubaanadan ayaa VG u sheegtay in markii koowaad oo ay ninka dilka geystay u turjuntay uu u dhaqmayay si caadi ah. Laakiin ay markii danbe isbadal ku timid dabeecadiisa, isaga oo u ekaa qof xanaaqsan iyo caro ka muuqato. Ayna xiligaas iyadu turjubaan ahaan ay fahantay inay wax qaldanyihiin.

Sidoo kale haweeneydan turjubaanka ah ayaa wargeyska u sheegtay inaysan hada ku shaqeyn turjubaanimo, balse ay aqoon shaqsiyeed oo gaar ah u laheyd ninka dilka geystay, marar badana ay kula kulantay wadada. Markii ugu danbeeyay oo ay aragteyna ay aheyd maalmo kahor inta uusan dilka geysan.

Halkan kasii akhri wareysiga VG iyo haweeneyda turjubaanka ahaan jirtay.

Maqaal: Wax laab (madax wareer) in turjubaan uu ka hadlo qof uu turjubay:

Labo qof oo dumar ah oo midkood ay tahay turjubaan heysta leysinka turjubaanka ee dowlada, iyo mid kale oo barata turjubaanimo, ayaa maqaal ay kusoo qoreen wargeyska weyn ee Aftenposten ku sheegay inay la yaab iyo madax-wareer ay u qaadan waayeen ay ku noqotay inay arkaan qof turjubaan ah oo si furan(public ah) uga hadlayo, una bixinayo macluumaadka qof uu u turjumay.

Iyaga oo sheegay in turjubaanku uu saxiixay heshiiska iyo sharciyada xog qarinta(Tuashetsplikt), ayna sharci daro tahay inuu bixiyo macluumaadka iyo xogta qof uu shaqo turjubaanimo kula kulmay.

Iyaga oo maqaalkooda ku sheegay in arrintan iyo arrimaha lamid ah ay dhaawac u geysan karto sumcada xirfada turjubaanimada ee muhiimka u ah hey´addaha dowlada.

Turjubaan la eedeeyay oo iyadna qoraal jawaab ah soo qortay ayaa dhankeeda sheegtay in markii ay wargeyska VG la hadleysay, ay u hadleysay sidii qof shaqsi ah oo aqoon u leh ninka dilka geystay, aysana xiligan u aheyn turjubaan. Iyada oo raacisay inay aqoon shaqsiyeed oo gaar ah u laheyd ninka dhibaatada geystay, sidaas darteed ay u hadleysay sidii qof madax banaan oo shaqsi ah.

Halkan ka akhri maqaalka eeda ah iyo qoraalka jawaabta ah: Det er rystende at en tolk bryter taushetsplikten.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments