Coronavirus Foto: T.O.I

Midowga Yurub ayaa isbuucyo kahor heshiis la galay shirkada daawooyinka ee AstraZeneca oo kamid ah shirkadaha gacanta ku haya soo saarista cirbada daawada Corona-virus. Si muwaadiniinta dalalka kunool EU-da ay u helaan cirbada daaweynta xanuunka Covid-19.

EU-da ayaa sidoo kale wada-hadal kula jiro ilaa sadex shirkadood oo kale oo ka shaqeynayo soo saarista cirbada Corona-virus, si muwaadiniinta dalalka midowga Yurub ay xaq ugu helaan helista daawada xanuunkaas.

Dhibaato: Norway EU kuma jirtoXalka: Sweden.

Dowlada dalkan Norway ayaa dagaal adag u gashay si ay heshiiska EU-da ay qeyb uga noqoto, si muwaadiniinta Norwiijiga ay u helaan cirbada Corona-virus, balse arintaas ayaa markii danbe suurtogal noqon weyday.

Balse dalka Sweden oo kamid ah dalalka EU-da ayaa Norway ka ogolaaday inay magacooda kusoo iibin doonaan cirbado dheeri ah oo ka badan inta ay Sweden u baahnaan karto, si ay uga sii iibiyaan dalalka Norway iyo Iceland.

Wasiirka caafimaadka Norway, Bent Hiøe ayaa u mahadceliyay midowga Yurub iyo Sweden-ba, wuxuuna sheegay in Norway ay caafimaad ahaan iyo wada-shaqeyn ahaanba ku xiranyihiin saaxiibada ay ku dhex leeyihiin midowga Yurub.

Xigasho/kilde: Svenskene skal sikre Norge korona-vaksiner.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments