Dowlada Sweden ayaa dhawaan soo jeedisay in isbadal lagu sameeyo sharciga qoxootiga dalka Swdeen, waxaana isbadalkaas kamid ah qodobka qaadashada jinsiyada ama baasaboorka Sweden. Waxeyna dowladu soo jeedisay in la keeno shuruudo adag oo lagu xirayo qofka dalbanaya inuu noqdo muwaadin Swedish ah.

Dalka Sweden waxaa qayaastii baasaboorka ama dhalashada Sweden dalbadata dad gaaraya 240.000 qof. Hadii qorshaha dowlada Sweden ee wax ka badalka sharciga qoxootigu uu suurtogalo, waxaa la saadaalinayaa in tiradaas ay hoos u dhacdo 40.000 sadexda sano ee soo socoto.

Christina Höj Larsen oo ah xildhibaan ka tirsan gudiga qaxootiga, isla markaana ka socota xisbiga Vänsterpartiet ayaa dhaleeceysay hindisaha iyadoona u aragta inuu abuurayo faquuq iyo kala fogaansho u dhaxeyso bulshada dhaladka ah iyo ajaaniibta.

Shuruudaha ay dowladu Sweden soo jeedisay ayaa waxaa kamid ah in qofku uu aqoon fiican u leeyahay luuqada iyo dhaqanka Sweden, uu dhaqaale ahaan isku filan yahay masruuf ahaan iyo inuu yahay qof dhowrsan oo aan danbiyo galin.

Xigasho/kilde: SVeriges radio-Qeybta afka soomaaliga.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments