Soomaalida Denmark oo faquuq Corona la xiriira kala kulmayo warbaahinta.

0
83

Isbuucii hore duqa magaalada Århus ee dalka Denmark ayaa sheegay, in 61 qof oo laga helay xanuunka Corona-virus ay yihiin dad soomaali ah. Arintaas oo keentay in warbaahinta dalka Denmark ay ku sameeyaan dabagal iyo hadalheyn aad u badan.

Soomaali badan oo warbaahinta dalka denmark ka hadlay ayaa sheegay in iyaga iyo caruurtooduba ay la kulmeen faquuq ku saabsan xanuunka, halka hadalheys looga dhigayo inay xanuunka qabaan.

Arinta la yaabka noqotay ayaa ah in macaamiisha baabuurta dadweynaha qaarkood, ay sheegayaan ineysan raaci doonin baabuurta ay wadaan darawalada soomaalida ah, iyaga oo sheegayo inay cabsi ka qabaan inay xanuunka qaadaan.

Sidoo kale waxaa iyadana jirto hadalheyn ah in dad soomaali ah oo ka shaqeeyo warshad caanaha iyo burcadka(Smør) ay xanuunka geeyaan halkaas, iyada oo shaqaalihii kale ee warshada uu xanuunka kusii faafay.

Warbaahinta iyo siyaasiyiinta Denmark ayaa hadal qabsi ka dhiganayo soomaalida, marka ay rabaan inay ka hadlaan xanuunka Denmark dhawaan ku faafay.

Halkan ka akhri qeybo kamid ah qoraalada warbaahinta Denmark ee soomaalida iyo xanuunka Corona ku saabsan:

Eid-fester og somalisk begravelse: Sådan har smitten spredt sig.

Somalier i Aarhus: Vi bliver udskammet på grund af corona.

Store muslimske begravelser sætter hensynsløst vores alles sundhed og frihed over styr.

Nyt notat afslører: Sådan har smitten spredt sig fra somalisk miljø til mejeri.

Aarhusianske Flextrafik-kunder er bekymrede over somaliske chauffører.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments