torsdag, april 25, 2024

Soomaalida Århus: numberka soomaalida ee xanuunka Corona waa nalugu faquuqayaa.

Isbuucii hore laamaha caafimaadka ee magaalada Århus ee dalka Denmark, ayaa sheegay in 61 qof oo kamid ah 78 qof oo laga helay xanuunka Corona-virus, ay ahaayeen dad soomaali ah. Iyada oo duqa magaalada uu wel-wel xoogan arintaas ka muujiyay. Halkan kasii akhri.

Magaalada Århus waxaa tirokoob ahaan la sheegay inay deganyihiin bulsho soomaali ah oo 5000 qof gaareyso, halka guud ahaan magaalada ay deganyihiin dad gaaraya 336.000 qof.

Warbaahinta dalka Denmark ayaa isbuucii tagay aad u hadalhayay tirada dadka soomaalida ah ee xanuunka laga helay magaaladaas, iyaga oo aad u buun-buuniyay.

Madaxda ururada bulshada soomaalida ee magaalada Århus oo saxaafada lokalka ah iyo kuwa waaweyn la hadlay, ayaa sheegay inay dareemayaan in faquuq iyo cunsurinimo gooni ah lagu sameeyay soomaalida. Halka qaarkood inay sheegeen in dadka qaarkood ay ka durkaan marka ay dareemaan inay soomaali yihiin.

Soomaalida saxaafada la hadashay ayaa qeexday inay iyagu laftirkoodu wel-wel xoogan ka qabaan tirada dadka soomaalida ah ee xanuunka qaaday, balse ay aad uga xunyihiin qaabka ay warbaahintu u buun-buunineyso.

Madaxda ururada bulshada soomaalida ayaa sheegay in warbaahinta iyo siyaasiyiintu ay farta si gooni ah ugu fiiqayaan tirada yar ee soomaalida ah ee magaalada kunool, iyaga oo aad moodo inay ku jirto dareen faquuq ah. Waxeyna sheegeen inay muhiim tahay in corona-virus uu yahay xanuun aan qawmiyad iyo xuduud laheyn.

Soomaalida warbaahinta la hadashay ayaa sheegay inay muhiim tahay in xanuunkan si wadajir ah loola dagaalamo, si ay taas suurtogal u noqotana, ay muhiim tahay in la wada shaqeeyo, intii farta la isku fiiqi lahaa.

Xigasho/kilde: Somaliere i Aarhus føler sig diskrimineret.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x