Solberg: Go´aano cusub ayay dowladu soo rogi doontaa.

0
78
Foto: Regjeringen.no

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg oo shaley kusoo noqotay shaqada xafiiska reysulwasaaraha, mudo isbuucyo ah oo ay fasax ku maqneyd kadib, ayaa shaley la hadashay saxaafada oo weydiisay su´aalo la xiriira qorshaha dowlada ee xanuunka Covid-19.

Solberg ayaa sheegtay inay aad uga walaacsantahay tirada dadka xanuunka laga helay oo maalmihii ugu danbeeyay kor u kacday. Iyada oo xiligan ay dad badan kasoo noqonayaan wadamo dibadda ah oo ay fasax kusoo qaateen.

Waxeyna raacisay in dowladu ay dib u dhigtay go´aano ku saabsanaa in la furo wadanka, marka laga soo noqdo fasaxa xagaaga. Taas badalkeedana ay dowladu dajisay qorshe cusub oo looga fiirsanayo qaabkii loo xakameyn lahaa faafitaanka xanuunka.

Reysulwasaaraha ma aysan carabaabin go´aanada cusub ee dowlada, iyada oo sheegtay in arrintaas lagu soo bandhigi doono shirka jaraa´id ee dowladu ay maanta jimce ah ku qaban doonto xarunta dowlada.

Solberg ayaa sheegtay in muhiimada koowaad ee dowlada ay tahay la difaaco noloshada dadka, caafimaadkooda, caruurta iyo waliba goobaha shaqooyinka.

Xigasho/kilde: Solberg etter smitteøkningen: Setter store lettelser på vent.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments