torsdag, april 25, 2024

PST oo xabsiga dhigtay nin lala xiriirnayo kiiskii wadaadka Krekar.

Hey´adda sirdoonka iyo nabbadsugida dalkan Norway ee PST, ayaa sheegtay inay maanta xabsiga dhigtay nin heysta dhalashada dalkan Norway, kaas oo lala xiriirinayo kiiskii argagaxiso ee horey loogu xukumay wadaadka Mulla Krekar.

Maxkamad kutaal dalka Talyaaniga ayaa horey wadaadka Mulla Krekar ugu xukuntay 12 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi la xiriira qorshe fal argagaxisnimo oo la damacsanaa in laga fuliyo dalka Talyaaniga. Dowlada Norway ayaa dalka Talyaaniga u gacangalisay wadaadka oo hada ku xiran xabsi kuyaal dalka Talyaaniga, isaga oo ku xukuman 12 sano oo xabsi ah. Halkan kasii akhri.

Sirdoonka Norway ayaa ninkan ay maanta qabteen sheegay in isna lala xiriirinayo isla kiiskaas argagaxiso ee horey loogu xukumay wadaadka Krekar. Uuna ahaa nin horey loogu raad-joogay oo laamaha amniga Talyaaniga ay macluumaadkiisa raadinayeen.

Ninka la qabtay ayaa da´diisa lagu sheegay 40-sano jir degan gobolka Viken(Ex Akershus).

Xigasho/kilde: PST har pågrepet norsk statsborger i Krekar-saken.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x