Oslo: Shir boolis la isugu wacday oo maanta ka dhici doono masaajidka soomaalida ee Tawfiiq.

0
142
Foto: NorSom News

Waxaa maanta masaajidka soomaalida Oslo ee Tawfiiq lagu balansanyahay inuu ka dhaco shir la iclaamiyay isbuucyo kahor, kaas oo gudiga masaajidku ay sheegeen inay rabaan inuu dhaqangal ku noqdo xeer masaajidka loo ansixiyay sanadkii 2019. Waxeyna arrintaas kamid aheyd shuruudaha uu xafiiska gobolka Oslo ku xiray masaajidka, si loogu soo sii daayo dhaqaalaha masaajidka uu horey looga joojiyay.

Gudiga masaajidka Tawfiiq oo la tashaday qareenkooda ayaa iclaamiyay kulanka maanta, iyaga oo sheegay in gobolku uu ku xiray shardi ah inay sameeyaan talaabo ay ku dhaqangaliyaan xeerka 2019, si loogu soo sii daayo dhaqaalaha masaajidka ee xayiran khilaafka Awgii.

Guruubka kale ee kasoo horjeedo gudiga ku qoran masaajidka Tawfiiq, horeyna ay gartooda u gashay maxkamada khilaafaadka Oslo ayaa sheegay in kulankaas uu yahay mid aan sax aheyn oo aan waafaqsaneyn xeerka masaajidka iyo waliba codsiga xafiiska gudoomiyaha gobolka Oslo. Waxeyna sheegeen in xeerkaas uu horey loo ansixiyay, sida kali ah ee uu ku dhaqangali karana ay tahay in la qabto doorasho lagu soo dooranayo gudi cusub oo masaajidka maamula. Waxeyna sheegeen in shirka maanta dhici doono uusan waxbo kusoo kordhin karin ama xalin karin dhibaatada maamul ee masaajidku uu ku sugnaa labadii sano ee lasoo dhaafay.

Taas badalkeeda waxey sheegeen in sida kali ah ee xal looga gaari karo khilaafka masaajidka hareeyay, ay tahay in la qabto doorasho lagu soo xulayo gudi isku dhaf ah oo ka kooban labada guruub ee isheysta, sidaasna xafiisyada dowlada loogu diro gudi la isku waafaqsanyahay. Waxeyna aaminsanyihiin in kulanka maanta uusan aheyn wax waafaqsan xeerka 2019 ama codsigii gobolka.

Booliska Oslo oo arrinta loo gudbiyay:

Sida ay NorSom News ogaatay, waxaa xafiiska taliska booliska Oslo gaaray labo dacwadood oo kala duwan oo ka kala socoto labada guruub ee isku heysta maamulka masaajidka. Waxeyna booliska labada guruub si gooni gooni ah ugu yeereen kulamo ay rabeen inay ku dhageysteen aragtiyahooda iyo waxa ka dhalan kara kulanka maanta ka dhici doono masaajidka soomaalida ee Tawfiiq.

Booliska ayaa labada guruub ugu waano-celiyay in wixii khilaaf ah ee dhexdooda ah ay ku xaliyaan qaab nabadeed, ama qaab sharci ah, iyaga oo adeegsanayo maxkamadaha caadiga ah ee wadanka. Ayna ka fogaadaan gacanqaad ama wax keeni kara cunfi dhalin kara gacan ka hadal.

Dad badan oo kamid soomaalida Oslo degan, lana socotay khilaafka xalka wali loo la´yahay ee ku saabsan maamulka masaajidka Tawfiiq ayaa ka cabsi qaba in kulanka maanta ee aan la isku waafaqsaneyn uu mar kale dhaliyo buuq iyo is qabqabsi ka dhaca masaajidka gudihiisa, sidii horey u dhacday bishii November ee sanadkii 2019.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments