Oslo: Abeeso(Jabiso) guri ugu soo gashay qoys oo booliska loogu yeeray.

0
449

Booliska Oslo ayaa xalay fiidkii bogooda Twitterka ku sheegay inuu lasoo xiriiray qof degan xaafada Frogner ee magaalada Oslo, kaas oo sheegay inay guriisa ugu soo gashay abeeso nooca loo yaqaan jabisada(python) ee aadka u dheer.

Booliska oo unuga qaabilsan xayawaanka u diray guriga qeyladu kasoo yeertay, ayaa sheegay inay abeesada ay guriga ugu tageen ay dherer ahaan la ekeyd hal mitir iyo bar(1,5 M), ayna aheyd mid xoogan. Waxeyna waqti kadib ku guuleystaan inay abeesada guriga kasoo saaraan, si qoyskii guriga deganaa ay dib ugu noqdaan guriga ay abeesadu kasoo ceyrsatay.

Sawirka abeesada ay boolisku guriga ugu tageen.
Foto: Politiet

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in abeesadu ay aheyd nooca guri joogta ah ee la tarbiyeeyay(la carbiyay), ayna aheyd mid aan awood u laheyd inay dad weerarto. Iyaga oo sheegay inay saacado ku mashquulsanaayeen qofka abeesada leh ama guriga ay kasoo baxsatay.

00:30 xalay saqdii dhexe ayay boolisku hadana Twitterkooda kusoo qoreen inay heleen qofkii lahaa abeesada oo noqday qof daris la ah guriga ay gashay ee boolisku ay kasoo saareen. Waxeyna sheegeen inay ugu danbeyn ku faraxsanyihiin inay iska wareejiyeen xilka abeesada jabisada ah.

Xigasho/kilde: Pytonslange dukket uventet opp i Oslo-leilighet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments