Norway: Tirada dadka laga helayo xanuunka covid-19 oo kor u kacday.

0
158
Foto: W.H.D

Isbuucii lasoo dhaafay waxaa kor usii kaceysay tirada dadka laga helayo xanuunka Covid-19 oo labadii bilood ee nasoo dhaaftay ahaa mid hoose oo degan. Maalintii shaley aheyd waxaa la diiwaangaliyay Norway in xanuunka laga helay 15 qof, halka maalintii kasoo horeysa laga helay 23 qof.

Tiradan ayaa ah mid aad u hooseyso marka la barbardhigo tirooyinkii la diiwaangalin jiray bilowga xanuunka ama bilihii Maarso iyo April, balse waxey ka badanyihiin tirooyinkii la diiwaangaliyay bilihii June iyo July.

Waxaa kor u kaca ugu weyn lala xiriirinayaa dhacdooyin dhowr ah oo ay kamid tahay xaflad aroos oo ka dhacday magaalada Moss, kaas oo dad badan ay xanuunka ka qaadeen iyo mid kamid ah doomaha shirkada do dalxiiska Hurtigruten oo xanuunka uu dhexdeeda ku faafay.

Hey´addaha caafimaadka ayaa wali sheegay in kor u kicitaanka tirada dadka xanuunka qaaday, ay aheyd arin la wada sugayay. Ayna qiyaasayaan in tiradu ay intaas kasii badan doonto, marka ay fasaxyada kasoo noqdaan dad badan oo wadanka dibadiisa hada fasax ugu maqan.

Dowlada ayaa dhankeeda sheegtay inay soo rogi doonaan talaabooyinkii loo baahdo ama laga maarmi waayo, hadii xaalada caafimaad ay sii xumaato.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments