Norway oo walaac xoogan ka muujisay xeer ay baarlamaanka Soomaaliya diideen.

0
186

Isbuucyadii tagay waxaa golaha Baarlamaanka Soomaaliya ka socotay dood adag oo la xiriirta xeerka xadgudubka galmada oo baarlamaanka Soomaaliya la horkeenay, lagana codsaday inay meelmariyaan. Waxaana xeerka soo diyaarisay wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka dowlada Soomaaliya.

Dood dheer oo muran xoogan dhalisay kadib, xubnaha golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaan isku raacin meelmarinta xeerkaas, waxeyna xildhibaano badan codsadeen in dib loogu celiyo wasaaradda soo diyaarisay si xeerka looga saaro qodobo ay sheegeen inay gaf ku yihiin dhaqanka soomaalida iyo diinta islaamka. Kulankii labaad ee xeerkaas laga doodi lahaa ayay hadana xildhibaanadu isku qilaafeen in ka doodista xeerkaas lagu daro ajendaha kalfadhiga baarlamaanka, iyada oo xildhibaano badan ay sheegeen inuusan xitaa u qalmin in laga hadlo, xitaa aan qodobada qaarkood laga badalin.

Labada qodob ee ugu adkaa dooda xildhibaanada ayaa ku saabsan micnaha ereyga «galmada» iyo xiliga guurka da´yarta. Halkan kasii akhri.

Norway: Lacag ayaan ku bixinay, waana ka walaacsanahay inuusan meelmarin.

Gudoomiyaha xisbiga garabka bidix ee siyaasada Norway, Audun Lysbakken, ahna xildhibaan katirsan baarlamaanka ayaa wasiiradda arrimaha dibadda Norway, Ine Marie Eriksen Søreide, baarlamaanka kahor weydiiyay, waxa ay dowlada Norway sameysay, si looga hortago in xeerka ka hortaga guurka da´yartu uusan ka dhaqangalin guudahan Soomaaliya.

Wasiiradda oo ka jawaabeysa su´aasha xildhibaanka ayaa sheegtay in dowlada Norway ay qarash ku bixisay shaqada diyaarinta xeerkaas, ayna qeyb weyn ku laheyd diyaarintiisa iyo waliba soo bandhigiisa. Waxeyna sheegtay in Norway iyo saaxiibada kale ee ku aragtida ah ay gudbiyeen walaac xoogan oo diidista meelmarinta xeerkaas ku saabsan.

Wasiiradda ayaa raacisay in Norway ay meelmarinta xeerkaas kala hadashay gudoomiyaha aqalka baarlamaanka Soomaaliya, xili wafdi ka socdo Soomaaliya ay booqasho ku tageen magaalada Muqdisho, bishii Maarso ee sanadkan. ayna la qeybsadeen fikirkooda ku aadan muhiimada meelmarinta xeerkan.

Wasiiradda ayaa dhanka kale tibaaxday in xeerka kahor tagista guurka da´yartu uu muhiimada gaar ah u leeyahay dowlada Norway, aragti ahaana ay aaminsanyihiin in guurka da´yartu uu meel ka dhac weyn ku yahay xuquuqul insaanka.

Xigasho/kilde: Svar på spørsmål om barneekteskap i Somalia.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments