onsdag, april 24, 2024

Norway oo 5 bil kadib soo qaaday qoxootigii ugu horeeyay.

Baarlamaanka Norway ayaa sanadkii 2019 meelmariyay qorshe ahaa in dowlada Norway ay xeryaha qoxootiga caalamka kasoo qaadato 3015 qof oo qoxooti ah, kuwaas oo loo sameyn doono dib u dajin iyo nolol siin, iyada oo Norway ay la shaqeyn doonto hey´adda qoxootiga aduunka ee Qaramada midoobay.

Sideedii bilood ee ugu horeysay sanadkan, waxaa ilaa hada Norway soo gaaray 264 qof oo kamid ah 3015 qof ee Norway ay soo qaadan laheyd. Xanibaadii xanuunka Corona-virus ee sababtay in la xiro garoomada caalamka ayaa keentay in Norway ay soo qaadi weydo dad badan oo loo ogolaaday in dib u dajin loo sameeyo, mareyna dhamaan wareysiyadii iyo prosseskii kale ee soo qaadista.

Tan iyo bishii Maarso, waxaa maalinta khamiista ah ee Berito, Norway kasoo dagi doono shan qoys oo kamid ah qoxootiga horey ogolaanshaha loo siiyay ee laga soo qaaday xeryaha qoxootiga dalka Lubnaan, waxaana garoonka diyaaradaha Oslo uga hortagi doono shaqaalaha deegaanada loo diyaariyay inay dagi doonaan.

Shanta qoys oo dalal kale duwa kasoo jeedo ayaa la dajin doonaa degmooyinka Oslo, Drammen, Notodden, Trysil og Vestre Toten.

Sidoo kale waxaan wali Norway soo gaarin ilaa 300 qof oo qoxooti reer Kongo ah, kuwaas oo horey u helay ogolaanshaha Norway, ayna aheyd in Norway loo soo qaado bilihii May iyo Juni.

Norway ayaa bishii Maarso bilowday inay fogaan arag(Video-ZOOM) ku wareysato qoxootiga ay rabto inay dib u dajin u sameyso, maadaama shaqaalaha hey´adda qoxootiga loo diiday inay xeryaha qoxootiga u safraan, si ay wareysi ula yeeshaan qoxootiga ay Norway rabto inay soo qaadato ee buuxiyay shuruudaha lagu xiray.

Xigasho/kilde: Flyktninger får komme til Norge

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x