Norway: Dowlada oo dadka kula talineyso inaysan dibadda u safrin.

0
93

Wasiiro katirsan dowlada Norway oo shaley shir jaraa´id qabtay, ayaa soo bandhigay qorshaha dowlada ee ka hortaga xanuunka Coronavirus oo maalmahan dib ugu soo noqday gudaha Norway iyo dalalka kale ee Yurubta galbeed.

Wasiiraddu dowlada ayaa muujiyay walaac xoogan oo ay dowladu ka qabto tirada dadka xanuunka qaadayo oo maalmihii tagay kor u kacday Norway, waxeyna sheegeen in dowladu ay qaadi doonto talaabooyinka muhiimka ah ee loo arko in lagu xakameyn karo faafitaanka xanuunka, iyada oo laga faa´iideysanayo khibradii laga dhexlay wajigii koowaad ee xanuunka.

Wasiirka caafimaadka Norway Bent Høie ayaa shirka jaraa´id ku sheegay in dowladu ay dadweynaha Norway ka codsaneyso inaysan dalka ka bixin, ama ay ka baaqdaan safaradda dibadda ah ee laga maarmi karo. Ugu yaraana aysan u safrin wadamada la galiyay sanduuqa guduudka(Wadamada uu xanuunku ku faafay). Halkan ka akhri liiska dalalka guduudka ah.

Wuxuuna wasiirku cadeeyay sababta ugu weyn ee xiligan keentay inuu dib usoo noqdo xanuunka ay tahay in dad badan ay kasoo noqdeen fasaxa xagaaga, ayna lasoo kulmeen dadyow kala duwan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dadka kasoo noqdo wadamada la galiyay sanduuqa guduudka(Røde land) ay gali doonaan 10 maalmood oo karantiil ah, marka ay Norway kusoo noqdaan. Isaga oo ka codsaday inay adeegsadaan maradda afka lagu xirto marka ay Norway usoo socdaan ama ay safarka usoo yihiin.

Xigasho/kilde: Sier folk bør unngå reiser til alle land

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments