NAV oo dadkii lacagaha hormariska ah helay, kasoo ceshan doonto.

0
120

Laga bilaabo Talaadada soo socoto ee isbuuca danbe, xafiiska shaqada ee NAV ayaa waraaqo lacag soo celin ah u diri doono dadkii lacagaha hormariska ah ka helay NAV, bilowgii xanibaada xanuunka Corona-virus.

Xafiiska shaqada NAV ayaa bilowgii xanibaada xanuunka Corona-virus bilaabay adeeg cusub oo dadka xaalada dhaqaale ee adag kujiray, ay ku dalban kareen lacag horumaris ah, kahor inta aan laga shaqeyn codsiga lacagta «dagpenger-ka». Waxaa fursadaas ka faa´iideystay oo lacago horumaris ah dalbaday dad gaaraya 180.000 qof.

NAV ayaa dhowr mar oo hore dib u dhigtay go´aanka lacagta dib loogu soo celinayo dadkii horey loo siiyay, iyada oo la qiimeynayo xaalada dhaqaale xumo ee soo wajahday dadka shaqooyinka laga fariisiyay ama shaqa la´aantu ay ku dhacday.

Xafiiska shaqada ee NAV ayaa dhanka kale sheegay in dadka ugu horeeyo ee warqadaha dalabta soo celinta loo diri doono ay noqon doonaan dadka weli lacagta «dagpengerka» ah ka hela NAV, iyaga oo sheegay inay 15% ka jiri doonaan lacagta la siiyo dadkaas, si ay usoo gudaan lacagtii horumariska aheyd oo ay qaateen.

Isku cel-celis 180.000 qof ee lacagta horumariska ah helay, ayaa NAV ka qaba 20.000 kr.

Xigasho/kilde: Nå begynner Nav å kreve tilbake forskudd på dagpenger.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments