Mareykanka oo ka digayo in Norway loo safro, sababtan darteed.

0
104
Foto: Bloomberg

Xarunta dowlada Mareykanka u qaabilsan xakameynta iyo kahortaga cudurada ( Centers for Disease Control and Prevention), ayaa qoraal ay soo saartay dadweynaha Mareykanka uga digtay inay u safraan dalal uu kamid yahay dalkan Norway.

Xarunta ayaa Norway iyo dhowr wadan oo kale galisay heerka 3-aad ee guduudka ah, kuwaas oo ah dalalka looga digayo dadweynaha Mareykanka inay u safraan, coronavirus awgiis. Waxeyna muwaadiniinta Mareykanka ah, gaar ahaan kuwa u nugul qaaditaanka xanuunka Covid-19,uga digtay inay u safraan Norway. Hadii kale ay halis ugu jiraan inay xanuunka qaadaan, Norweyna lagu xanibo.

Xarunta CDC-da Mareykanka ayaa sheegtay in xanuunka Covid-19 uu aad ugu dhex faafay dalka Norway. Hadii uu qofku ku dhex xanuunsadana Norway gudaheedana, ay dhici karto inuusan helin caawitaan caafimaad, maadaama awooda hey´addaha caafimaadka Norway ay aad u hooseyso.

Xarunta CDC-da Mareykanka ma aysan soo bandhigin waxa ay u cuskutay qiimeynta ay ku sameysay xaalada xanuunka Covid-19 ee Norway.

Norway iyo guud ahaan dalalka Nordica, marka laga reebo Sweden, waxaa lagu tirinayaa wadamada ilaa hada ku guuleystay xakameynta faafitaanka xanuunka Covid-19.

Halka dalka Mareykanka uu yahay dalka ugu saameynta ugu weyn aduunka ku yeeshay Corona-virus, isla markaana dhimashada ugu badan uu ka geystay. isku cel-celis waxaa xanuunkaas gudaha Mareykanka maalintii u dhinta, dadka u dhaxeeya 1500 ilaa 2000 qof.

Xigasho/kilde; USA advarer mot reiser til Norge

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments