lørdag, april 20, 2024

Kiiskii khilaafka soomaalida Tawfiiq oo golaha baarlamaanka Norway gaaray.

Warbaahinta Norway ayaa maalmahan aad u hadalheysay khilaaf ka dhaxeeyo labo guruub oo soomaali ah, kuwaas oo mudo isku heystay hab maamulka masaajidka Tawfiiq oo ah kan ugu weyn soomaalida iyo waliba bulshada muslimiinta ah ee dalkan Norway.

Isbuucii hore waxaa warbaahinta la hadlay 30-meeyo dumar soomaali ah oo sheegay in dumarka soomaalida ah aysan awood badan ku laheyn maamulka masaajidka, iyada oo qaarkoodna ay sheegeen in masaajidka loo diiday inay galaan xili ay ka dhaceysay doorasho codeyn. Cabashada haweenka soomaalida ah ayaa noqotay mid baraha bulshada ka dhalisay doodo adag oo la xiriira qaababka loo maamulo masaajidada ay muslimiintu leeyihiin ee dhaqaalaha ka hela dowlada.

Xildhibaano baarlamaanka katirsan oo ka hadlay:

Maanta waxaa wargeyska Nettavisen maqaal kusoo qoray labo xildhibaan oo dumar ah( Siri Gåsemyr Staalesen og Kari Henriksen ) oo katirsan baalamaanka Norway, gaar ahaan xisbiga shaqaalaha ee Ap. Kuwaas oo su´aalo ka keenay sababta keeneyso in sanadkan 2020 dumar Norway kunool loo diido inay kamid noqdaan maamulka urur diimeed ay xubno ka yihiin ama laga hor istaago inay codkooda dhiibtaan maalin doorasho(Hoos ka akhri maqaalka).

Isla maantaba Siri Gåsemyr Staalesen oo ah mid kamid ah xildhibaanadii maqaalka ku qoray wargeyska Nettavisen, ayaa su´aalo qoraal ah u gudbiyay wasiirka qoyska iyo diimaha Norway( Kjell Ingolf Ropstad), kuwaas oo ku saabsan arrinta Tawfiiq ee warbaahintu ay hadalheysay, gaar ahaana kiiska ku saabsan in dumar loo diiday inay masaajidka galaan ama aysan kamid noqon maamulka masaajidka.

Xildhibaanadan ayaa wasiirka weydiisay aragtidiisa ku aadan arrintaas iyo hadafka siyaasadeed ee dowlada uga degsan arrintaas.

Wasiirka oo katirsan xisbi diimeedka KRF ayaan ka jawaabin su´aasha qoraalka ah ee Xildhibaanada, waxaana ay xildhibaanadu xaq u lahaan kartaa inay wasiirka soo horistaajiso golaha baarlamaanka kalfadhiga ugu horeeyo, si ay su´aasheeda jawaab ugu hesho.

xisbiga Krf oo uu wasiirka katirsanyahay ayaa inta badan lagu yaqaanaa inuu yahay xisbi difaaca xuquuqda diimaha samaawiga ah, maadaama uu yahay xisbi ku dhisan mabaa´diida iyo arragtidada nololeed ee diinta masiixiyada.

Hadalheynta warbaahinta Norway ee Khilaafka labada guruub ee soomaalida ah ayaa hada u muuqdo mid soo jiitay indho badan oo aan markii hore xogo badan ka heyn xaalada masaajidada muslimiinta, lagana yaabo inay qaarkood leeyihiin ujeedooyin kala duwan, balse qiil ka dhiganayo khilaafka ay soomaalidu dhexdeeda xalisan weyda.

Xigasho/kilde:

Kilde 1: Skriftlig spørsmål fra Siri Gåsemyr Staalesen (A) til barne- og familieministeren.

Kilde 2: Likestilling i moskeene – nå!-Vi er villige til å bruke politikk for å få det til.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x