Keshvari oo hadana ku eedeysan inuu biskoolad ugu hanjabay ex-tiisii hore.

0
175
Foto: Stillebilde/Youtube

Afhayeenkii hore ee xisbiga Frp ee arrimaha soo galootiga, Mezyar Keshvari ayaa mar kale kasoo muuqan doono maxkamad, isaga oo markan ku eedeysan inuu biskoolad ugu hanjabay saaxiibtiisii hore.

Danbi-oogayaasha booliska ayaa Keshvari ku eedeeyay inuu ciyaarta «Russian roulette» loo yaqaan oo la ciyaaray haweenayda oo nafteeda u cabsaneysay. «Russian roulette» ayaa ah ciyaar baqti-yaashi nasiib nololeed ah, oo qofku madaxa iska saarayo biskoolad ay kujirto xabad, kadibna uu taabanayo keebka, isaga oo haduu ka badbaado u dhiibayo qofka kale ee kasoo horjeedo oo markiisa biskoolada madaxa iska saarayo, si uu nasiibkiisa nolosha u tijaabiyo. Halkan ka daawo muuqaal ciyaartaas ah.

Keshvari ayaa sheegay in biskoolada aysan ku jirin wax xabad ah, sidaas darteed uu si ciyaar-ciyaar ah ku cabsiinayay saaxiibtiisii xiligaas, isaga oo markaas ahaa qof cabsan(Khamri). Balse haweeneyda ayaa sheegtay inay ugu cabsatay nafteeda, ayna ka baqeysay inay dhimato ama la dilo.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay hayaan cod ay saaxiibtii horee Keshvari ku duubtay mobilkeeda gacanta, xiliga uu Keshvari ku hanjabayo biskoolada. Waxaana codka laga maqlayaa qeylada iyo oohinta haweeneyda uu nafteeda u cabsaneyso.

Keshvari ayaa hadii maxkamadu ay ku hesho danbiga lagu eedeeyay, muteysan karo sanado xabsi ah. Horey waxaa loogu xukumay 7 bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu khasnada baarlamaanka Norway ka dhacay lacag gaareyso 450.000 kr.

Xigasho/kilde: Mazyar Keshvari tiltalt for grove trusler med våpen mot eks-samboer.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments