Kafia Hashi oo soo gashay golaha deegaanka Oslo.

0
227
Foto: Kafia H M

Kafia Hasho Mahamoud oo kamid aheyd musharaxiintii soomaalida aheyd ee sanadkii 2019 u tartamayay kamid noqoshada golaha deegaanka Oslo, ayaa ugu danbeyn kamid noqotay golaha deegaanka joogtada ah(Fast-representant) ee magaalada Oslo.

Kafiya oo aheyd musharaxa ugu codka badnaa musharaxiinta soomaalida ah ee sanadkii 2019 u tarmayay kamid noqoshada golaha deegaanka Oslo, ayaa sanadkii hore aan si toos ah ugu guuleysan kamid noqoshada golaha deegaanka. Waxeyna taas badalkeeda heshay booska ku xigeenka koowaad ee musharaxiinta xisbiga shaqaalaha, waxeyna hada toos u gashay golaha deegaanka, kadib markii mid kamid ah musharaxiintii joogtada ahaa ee xisbiga Ap uu helay shaqo kale.

Gabadhan soomaalida ah ayaa kamid ah siyaasiyiinta da´yarta ah ee ku dhalatay Norway, waxeyna hada xubin ka noqotay gudiga qorsheynta dhismaha iyo kobcinta magaalada Oslo.

Soomaalida Oslo oo ugu danbeyn guuleysatay:

Fawzi, Kaafiyo, Abdi iyo Ubah= Afarta musharax ee soomaalida ah sanadkan.

Soomaalida kunool magaalada Oslo ayaa sanadkii hore niyad xumo xoogan ka muujiyay in midna uusan golaha deegaanka kasoo galin afar musharax ah oo soomaali ah, kuwaas oo isku dar helay codad ku dhow 6000.

Kafiya ayaa heshay 1651 cod, waxaana kusoo xigay Ubah Abdullahi oo heshay 1523 cod, iyada oo Fawsi Abdirashiid uu helay 1515 cod. Sadexdan siyaasi ayaa ka wada tirsan xisbiga shaqaalaha Ap.

Abdi Said oo katirsan xisbiga SV ayaa isagana dhankiisa helay 986 qof.

Afartan musharaxba ee soomaalida ahba, waxey heleen boosas ku xigeeno ah, balse waxaa hada boos joogto ka helay Kafia oo codadka ugu badan heshay.

Xigasho/kilde: https://www.oslo.kommune.no/politikk/bystyret/representanter/#!c|political_party_category_3980

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments