Imtixaanka «Toeriga» baabuur wadista oo isbadal lagu sameyn doono.

0
137

Hey´adda gaadiidka iyo wado-marista(Vegvesen) ayaa sanadkii lasoo dhaafay sheegtay inay isbadal weyn ku sameyn doonto qaabka loo qaado imtixaanka «Teoriga» baabuurwadista, oo ah imtixaan lagu ogaado fahanka iyo aqoonta qofka ee sharciyada wadomarista.

Waxeyna hey´addu sheegtay in lasoo rogi doono nidaam cusub oo adkeynaya qaabka loo qaado imtixaankaas iyo waliba su´aalaha qofka la weydiiyo, si looga hortago in lasoo xifdiyo ama loo qasho(Juksing).

Hey´adda ayaa sheegtay in su´aalaha imtixaanka «Teoriga» ee hada la qaado ay yihiin kuwo la xifdin karo ama ku nasiibsan karo, iyada oo qofku uusan fahan iyo aqoon buuxdo u laheyn sharciyada wadomarista. Sanadkii lasoo dhaafay oo kali ah, waxaa la qabtay 42 qof oo rabay inay imtixaankaas qaab khiyaano ah(qish ah) ku galaan.

Su´aalaha iyo nuxurka(innhold) imtixaanka cusub ayay hey´addu sheegtay inuu yahay mid ka duwanaan doono kuwii hore, laguna ogaanayo in qofka imtixaanka galayo uu aqoon iyo fahan sax ah u leeyahay sharciyada wado marista, halkii uu soo xifdin lahaa. Uuna qofku soo wada akhriyay dhamaan sharciyada wadooyinka iyo baabuurka, halkii uu kali ah isku diyaarin lahaa imtixaanka. Ujeedaduna ay tahay in la helo darawaliin fahansan sharciyada wadooyinka, si looga hortago shilalka.

Nidaamkan cusub ayaa lagu wadaa tijaabo, wuxuuna hadii lagu guuleysto tijaabooyinkiisa uu dhaqangali doonaa, wixii loo gaaro bisha September.

Xigasho/kilde: Lanserer ny teoriprøve

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments