Høyre: argagaxisada halagu xukumo 50 sano oo xabsi ah!.

0
129
Mahmoud Farahmand Foto: Høyre-tv

Xukunka ugu adag ee lagu xukumi karo qof loo heysto danbi la xiriira argagaxiso, ayaa xiligan Norway ka ah 30 sano. Gudiga diyaarinta barnaamijka siyaasada xisbiga Høyre ayaa soo jeediyay in 30-ka sano lagu badalo 50 sano.

Mahmoud Farahmand oo asal ahaan ajnabi ah, kana tirsan xisbiga Høyre ayaa Nettavisen u sheegay in argagaxisadu ay geystaan danbiyo ka dhan dad aan waxbo galabsan, ayna sabab u noqdaan xanuun xili dheer saameyntiisu uu socdo. Waxuuna sheegay inay muhiim tahay in argagaxisada si adag loo xukumo..

Høyre ayaa sidoo kale sanadkii 2016 soo jeediyay in xukunka ugu adag ee qofka argagaxisada loo xukumo laga dhigo 40 sano. 4 sano kadib(2020) ayay hadana soo jeediyeen in xukunka laga dhigo 50 sano.

Xisbiga Høyre ayaa diyaarinayo barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga, kahor doorashada sanadka danbe ee 2021. Waxaana barnaamijka xisbiga lagu ansixin doonaa shirweynaha xisbiga ee dhicin doono bisha Maarso ee sanadka danbe.

Xigasho/kilde: Høyres programkomité foreslår 50 års straff for terrorister.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments