Dowlada oo 13 sano kadib ku guuleystay diyaarinta Pass-ka cusub iyo kaarka aqoonsiga.

0
169
Foto: Politiet

Dowlada Norway, gaar ahaan wasaarada cadaaladda ayaa 13 sano kadib ugu danbeyn ku guuleysatay mashruuca soo saarista nooca baasaboorada cusub ee Norwiijiga ah iyo kaarka aqoonsiga qofka. Dowlada ayaa mashruucan bilowday sanadkii 2007, xiligaas oo uu wasiir ahaa Knut Storberget oo xisbiga Ap katirsanaa, balse wuxuu baaqday ama dib u dhacay dhowr mar oo kala duwan.

Wasaaradda cadaaladda ayaa hada qorsheyneyso in bixinta baasaboorada cusub iyo kaarka aqoonsiga la bilaabo bilaha October iyo November ee sanadkan, balse waxey sheegeen in xaalada xanuunka Corona ay taariikhda la qorsheeyay wax ka badali doonto.

Dadweynaha ayaa marka la bilaabo bixinta baasaroodan cusub iyo kaarka aqoonsiga si caadi ah oo lamid ah sidii horey loo dalban jiray baasaboorka, uga dalban karaan barta booliska ee Politiet.no, ama ay ka heli karaan xarumaha baasaboorka iyo kaararka aqoonsiga ee wadanka oo dhan.

Inkasta oo la sameeyay baasabooro cusub oo dhawaan bixintooda la bilaabi doono, hadana dowlada ayaa dadka ogeysiineyso inay ku qasbaneyn inay baasaboorka cusub qaataan, ayna si caadi ah usii wadan karaan baasaboorkooda Norwiijiga ah, ilaa uu ka dhacayo.

Kaarka aqoonsiga(NASJONALT ID-KORT) ayaa ah mid uu qofku iskiis u dooran karo inuu qaato/dalbado ama uu iska dhaafa. Wuxuuna qofka ka caawinayaa inuu ID ahaan u adeegsado safarada gaa-gaaban ee Yurub dhexdeeda ah(EØS), halkii uu mar walba baasaboorka wadan lahaa. Laakiin hadii uu ka baxayo xuduudka wadamada Yurub ee EØS, wuxuu ku qasbanyahay inuu baasaboor qaato.

Xigasho/kilde: Nå kommer nye pass og ID-kort.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments