Dilalka wiilashan soomaalida oo jahwareer ku abuuray booliska Sweden

0
100
Foto: Booliska Sweden

Magaalooyinka waaweyn ee dalka Sweden waxaa sanadihii danbe kusoo badanayay dilalka la xiriira dagaalada ka dhaxeeyo kooxaha ka ganacsada daroogada noocyadeeda kala duwan. Waxaana isbuuc walba ay warbaahinta dalkaas ay soo tabisaa isxabadeyn la xiriirta dagaal joogto ah oo ka dhex socdo kooxahaas, kuwaas oo mararka qaarkood sababo dhimasho nafeed ama dhaawac dad iyo hanti.

Warbaahinta Sweden ayaa sanadkan aad u hadalheysay dagaal joogto ah oo ka dhaxeeyo labo kooxood oo dhalinyaro soomaali ah ay hogaamiyaan, kuwaas oo isku dar loo tirinayo inay sabab u ahaayeen dhimashada 10 qof oo shantii sano ee ugu danbeysay lagu dilay jidadka magaalooyinka waaweyn ee Sweden iyo Denmark.

Labada kooxood ayaa la kala baxay magacyada Guutada geerida (Dødspatruljen) iyo Shottas(Magac filim jamaican ah). Wuxuuna dagaalkooda markii hore ka bilowday qeybsiga lacag 2 milyan kr ah, xili dhalinyarada kooxahan kala hogaamiso ay ahaayeen saaxiibo isku dhow, kahor inta aysan kala jabin oo dhexdooda dilitaan isku bilaabin.

Arinta naxdinta leh ayaa ah in da´ahaan dhalinyarada kooxahan kala hogaamiyo ama ka tirsan ay jiraan 15-25 sano, waxaana marar dhowr ah dhacday in sanado yar oo xabsiyo ah lagu xukumay , maadaama aysan da´ahaan qaan-gaar aheyn.

Abdirizak Abdimalik Osman oo 16 sano jir ahaa, ayaa tusaale ahaan sanadkii 2016 loo qabtay dilka wiil kale oo 24 sano jir ahaa. Waxaana da´diisa oo yar awgeed lagu xukumay 3 sano oo xabsi dhalinyaro ah, sanadkii hore ayaa xabsiga laga sii daayay, isaga oo hada ay boolisku mar kale ku raadjoogaan, isaga oo ku eedeysan danbiyo kale oo dil la xiriira.

Booliska Sweden ayaa awood iyo qarash badan galiyay sidii kooxaha dhalinyaradan ay hogaamiyaan loo baab´in lahaa, waxaa loo sameeyay guuto dhan oo boolis ah oo shaqo aan iyaga aheyn aan laheyn. Balse dhibaatada ugu weyn ayaa ah in inta badan dilalka dhalinyaradan ay geystaan ama loo geysto aan la cadeyn karin maxkamada horteeda, maadaama ay diidaan inay isku markhaati furaan, ama aan la helinba cadeymo danbiga cadeynayo.

Dagaalka kooxahan ayaa sidoo kale sababay in sanadkii hore magaalada Copenhagen ee caasimada Denmark lagu dilo labo wiil oo soomaali ah. Waxaana dilkooda loo soo qabtay shan wiil oo kujiro Mohamed Ali oo ah hogaamiyaha kooxda guutada geerida. Wiilashada la dilay ayaa iyagana katirsanaa kooxda Shottas.

Sadex kamid ah waxaa lagu xukumay xabsi daa´in, halka labada kalena lagu xukumay xabsiyo 20 sano ka badan.

Xigasho/kilde: Tre medlemmar i Dödspatrullen får livstids fängelse

Sveriges mest fryktede mann dømt for dobbeltdrap: Lo da dommen kom.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments