tirsdag, april 16, 2024

Daawo NRK: Dood aan waxbo la isku reeban oo ku saabsan khilaafka Tawfiq.

Barnaamijka dagsnytt 18 ee TV-ga qaranka Norway, waxaa galabta markii labaad ka baxay barnaamij dood ah oo ku saabsan khilaafka noocyo batay ee ka taagan masaajidka soomaalida ee Tawfiiq. Waxaana dood isaga horyimid Hakiim Ismaaciil oo ah hormuudka masaajidka(Forstander), Ubax Cabdulaahi Adan oo katirsan golaha deegaanka Oslo, iyo Cabdiraxmaan Diiriye oo ah gudoomiyaha dalada ururada islaamka Norway ee IRN.

Mawduuca dooda ayaa ahaa khilaafka masaajidka soomaalida hareeyay, gaar ahaan cabasho ka timid dumar soomaali ah oo sheegay in loo diiday inay masaajidka soo galaan, xili ay dhaceysay doorasho iyo waliba in dumarka xubnaha ka ah masaajidka aan laga qeybgalin howlaha maamulka. Wuxuuna wariyaha dooda hogaaminayay labada dhinac ka leexinayay inay ka hadlaan khilaafka labada guruub ee masaajidka, isaga oo codsanayay inay arrinta dumarka ku ekaadaan.

Ubah oo dooda bilowday ayaa gudiga maamulka masaajidka ku eedeysay inay dumarka iyo dhalinyarada oo 50% ah xubnaha masaajidka, aan loo ogoleyn inay talo ku yeeshaan howlaha maamulka iyo gudiga masaajidka, iyada oo sidoo kale sheegtay in gudiga masaajidka aysan raacin xeerka masaajidka loo dajiyay oo qeexaya in xubnuhu ay u simanyihiin kamid noqoshada gudiga. Balse ay taas badalkeeda adeegsadaan dhaqamo guracan oo dadka masaajidka la isaga hor keenayo, waxeyna raacisay in dadka masaajidka gudiga ka noqonayo aan lagu soo xulin aqoon iyo khibrad, balse lagu qeybsado qabiil ahaan.

Hakiin Ismaaciil oo ah hogaanka masaajidka ayaa dhankiisa qiray in dumarku aysan kamid aheyn gudiga masaajidka, balse ay arintaas tahay mid ka timid xagga dumarka oo aan muujin inay rabaan kamid noqoshada gudiga masjidka. Isaga oo raaciyay in dumarka ay door fiican ka ciyaaraan shaqooyinka masaajidka, wuxuuna sheegay in waqtiga soo socdo rajeynayaan in maamulka masaajidka laga qeybgaliyo dumarka iyo dhalinyarada.

Hakiin oo katirsanaa gudigii hore ee masaajidka, hadana ah forstander ayaa iska fogeeyay eeda Ubah, wuxuuna sheegay in masaajidku urur ahaan uu leeyahay xeer la raaco.

Cabdiraxmaan Diiriye: Foto Skjermdump/nrk

Cabdiraxmaan Diiriye oo ah gudoomiyaha IRN, ayaa sheegay in arinta Tawfiiq ka socoto iyo khilaafka ka jiraba aysan aheyn mid ka turjumaya xaalada masaajidada muslimiinta ah ee Norway. Balse ay tahay wax ku kooban masaajidka oo labo guruub ay awoodiisu ku loolamayaan. Wuxuuna sheegay in horey ay IRN isugu deyday inay xaliso ama gogol u fidiso labada guruub ee is heysta, si ay u dhex-dhexaadiyaan, hadana ay wali diyaar u yihiin inay dhex-dhexaadiyaan. Wuxuuna arinta dumarka kaga jawaabay in masaajido iyo ururo badan oo muslimiin ah ay mar hore bilaabeen in dumarka laga qeybgalayo gudiyada maamulka, maadaama ay yihiin xubno muhiim ah oo masaajidka katirsan.

Doodaha tirada badan ee ku saabsan arrinta Tawfiiq ee ka socdo warbaahinta Norway, la isagana hor keenayo dadka soomaalida ah, ayaa keeni karo aragtiyo qaldan oo laga qaato bulshada soomaalida ama muslimiinta ah.

Halkan ka daawo dooda: Ka bilaabato daqiiqada 18-aad: Kvinne-opprør i den somalisk moskeen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x