Daawo: Boolis iyo soomaali isku gacansaari gaaray masaajidka Tawfiiq oo maanta hadana uu buuq ka dhacay.

0
117

Waxaa maanta mar kale uu buuq ka dhacay masaajidka soomaalida Oslo ee Tawfiiq oo sidii aan saaka horey u qornay lagu balansanaa inuu ka dhacdo shir muran uu ka taagnaa saxnimadiisa iyo qaabka loo abaabulay.

Waxaana maanta masaajidka joogay ilaa 6-8 baabuur oo ciidanka booliska Oslo ah, kuwaas oo masaajidka u yimid si ay uga hortagaan gacanqaad soomaalida dhexdeeda ah oo masaajidka ka dhaca. Iyaga oo xili horeba baabuurtooda ay ka muuqato calaamada booliska lagu arkayay agagaarka goobta uu masaajidka kuyaalo.

Kadib markuu uu gudaha ka bilowday shirkii la iclaamiyay, waxaa markiiba sidii la filayay bilowday buuq iyo is qabqabsi, waxaana banaanka masaajidka loo saaray intii badneyd dadka kujiray gudaha masaajidka oo sida muuqatay kasoo horjeeday shirka maanta la iclaamiyay. Waxaana ay booliska iyo waardiyayaal horey u diyaarsanaa ay xireen albaabka gudaha ee masaajidka, iyaga oo diiday inay soo galaan dadkii masaajidka laga gaaray.

Waxaana gudaha masaajidka ka socday codeynta dhaqangalinta xeerka horey loo ansixiyay 2019. Maamulka masaajidka iyo waliba booliska ayaa diiday in wax muuqaal ah laga duubo gudaha masaajidka inta ay socotay codeynta, waxaana kali ah la arkayay kaamirooyin u kireysnaa gudiga masaajidka, halka warbaahinta kale ee lokalka ah loo diiday inay gudaha masaajidka galaan ama ay duubaan wax muuqaal ah.

Booliska ayaa sidoo kale si awood ah masaajidka gudihiisa xoog uga saaray ilaa dhowr qof oo kamid ah dadkii kasoo horjeeday shirka maanta, kuwaas oo iyaga gardaduub loo wado la geeyay banaanka masaajidka. Waxaana dibadda masaajidka isku hor taagnaa dadweyne badan oo rabay inay gudaha masaajidka soo galaan, iyo booliska iyo waardiyeyaal diidanaa arintaas.

Sidoo kale qeybta dumarka ee masaajidka ayaa xirneyd, iyada oo dumar badan oo rabay inay gudaha masaajidka galaan loo diiday inay gudaha soo galaan. Waxaana baraha bulshada lagu faafiyay muuqaalo muujinayo booliska oo riixaya hooyooyin soomaali ah oo raba inay gudaha masaajidka galaan.

Lama oga qaabka ay arinta xal uga gaari doonto khilaafkii horey uga dhex taagnaa soomaalida ee ku saabsanaa maamulka masaajidka.

Halka ka daawo qeyb kamid ah muuqaalada maanta laga duubay buuqii maanta ka dhacay masaajidka.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments