Baashe Muuse: Siyaasi Ubah Adan waxey hurineysaa khilaafka Tawfiiq.

0
86

Baashe Muuse oo ahaa xildhibaan horey uga tirsanaa golaha deegaanka Oslo, kana tirsan xisbiga Ap, ayaa wareysi uu siiyay wargeyska vårtland ku eedeeyay xildhibaanada ay isku xisbiga yihiin ee Ubah Adan. Isaga oo ku eedeeyay inay hurineyso khilaafka ka dhaxeeyo labada guruub ee soomaalida ah ee isku heysta maamulka masaajidka Tawfiiq.

Labadan siyaasi ayaa ka wada tirsan xisbiga shaqaalaha ee Ap, iyaga oo labadooduba ay sheegeen inay xubno ka yihiin masaajidka uu khilaafku ka taaganyahay ee Tawfiiq.

Ubah Adan oo xiligan kamid ah xubnaha golaha deegaanka magaalada Oslo, ayaa isbuucii hore wareysi siisay wargeyska Aftenposten ayaa sheegtay in haweenka soomaalida ah aysan wax door ah ku laheyn arrimaha maamulka ururada masaajidada oo ay iyagu dumar ahaan iyo caruurtoodu ay ka yihiin xubnaha ugu badan. Iyada oo sidoo kale raacisay in dumarku ay mar walba yihiin cida ugu badan ee ay saameeyaan go´aanada ay gaaraan dadka maamulka ka ah masaajidada, balse hadana aysan wax talo ku laheyn go´aanada la gaarayo. Iyada oo raacisay in dumarku ay mudanyihiin in laga talagaliyo arrimaha la xiriira maamulka goobaha cibaadada oo ay xubnaha ka yihiin. Waxaana wareysiga Ubah ku weheliyay 30-meeyo dumar soomaali ah oo iyagana dhankooda sheegay in dumarka soomaalida qaarkood ah laga xirtay albaabka xili ay dhaceysay doorasho.

Baashe ayaa wareysiga uu siiyay Vårtland ku sheegay in qofka siyaasiga ah looga baahanyahay inuu si feejigan uga hadlo arrimaha khilaafyada ah, uuna raadiyo xal waara, halkii uu khilaafka sii hurin lahaa.

Ma ahan markii ugu horeysay ee labdan siyaasi ah ee soomaalida ah eedeymo isku mariyaan warbaahinta ama baraha bulshada, horey ayay sidan oo kale u kala istaageen laba mawqif oo kala duwan oo ku saabsan arrinta khilaafka Tawfiiq. Halkan kasii akhri.

Waxaana marar hore dhacday inay sidan oo kale ay eedeymo isugu qoraan baraha bulshada ama ay isku mariyaan warbaahinta, iyaga oo ka wada tirsan hal xisbi.

Xigasho/kilde: Mener norsksomaliske lokalpolitikere skaper splid.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments