fredag, april 19, 2024

Baaritaan: Raja, Wasiirka iigu sawirta badan xukuumada R.W Erna Solberg

Wasiirka dhaqanka dowlada Norway Abid Raja ayaa baaritaan la sameeyay lagu ogaaday inuu yahay wasiirka bartiisa Facebooga soo dhiga sawirada ugu badan ee uu gacantiisa isaga qaaday(Selfie).

Raja oo loo codeeyay inuu yahay boqorka igu sawirta ( selfie-konge) ee dowlada, ayaa sanadkan 2020 bartiisa Facebooga soo dhigay 88 sawir oo uu gacantiisa isaga qaaday(Selfie). Tiradaas oo u dhiginta isku darka(wadarta) sawirada ay soo dhigeen dhamaan xubnaha wasiirada ah ee kale oo golaha xukuumada.

Wasiirka dhaqanka ayaa sheegay in sawirada usoo dhigo bartiisa Facebooga, si uu shacabka ku xiran iyo dadweynaha kaleba ula qeybsado nolol iyo maalmaadkiisa.

Abid Raja oo asal ahaan ay waalidkiis kasoo jeedaan dalka Pakistan, ayaa la rumeysanyahay inuu tartan adag u gali doono qabashada xilka gudoomiyaha xisbiga Venstre ee uu ka tirsanyahay.

Khubarada baraha bulshada ayaa aaminsan in Faceboogu uu noqday goob dadka siyaasiyiinta ah, ay isku muujiyaan, si ay taageero xoogan uga helaan dadweynaha iyo dadka ku xiran.

Xigasho/kilde: Raja er regjeringens ubestridte selfie-konge.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x