fredag, april 19, 2024

Akhri: Warbaahinta Norway iyo gobolka Oslo, maxey ka dhaheen buuqa ka taagan masaajidka soomaalida Oslo.

Warbaahinta dalkan Norway ayaa shaley dhowr maqaal oo kala duwan ka qortay buuqii sabtidii aan soo dhaafnay ka dhacay masaajidka soomaalida Oslo ee Tawfiiq, kaas oo ka dhashay kulan doorasho ahaa oo masaajidka ka dhacayay.

Labada warbaahinood ee ugu waaweyn Norway, NRK iyo Aftenposten ayaa labaduba wax ka qoray buuqa ka dhacay masaajidka ee sababay inuu boolisku arinta soo dhexgalo, uuna banaanka u saaro qeybo kamid ah dadkii uu buuqa ka dhaxeeyay.

Labada guruub ee masaajidka khilaafkiisu uu ka dhaxeeyo ayaa NRK iyo Aftenposten midba so gooni ah ugu sheegay arintii sabtidii ka dhacday masaajidka, iyaga oo labaduna ay aragtiyo kala duwan ka bixiyaan qaabka ay wax u dhaceen.

Qareenka gudiga hada masaajidka ku qoran, Cathrine Møller Faaberg ayaa NRK u sheegtay in sabtidi ay masaajidka ka dhacday doorasho ay xubnaha masaajidku codeyn ugu sameynayeen dhaqangalinta xeer la ansixiyay sanadkii 2019, kaas oo shuruud looga dhigay soo sii deynta dhaqaalaha uu gobolku ka xariyay masaajidka.

Iyada oo sheegtay in inta ay socotay codbixinta ay dad gaarayo 10-20 sameeyeen buuq, iyaga oo aan ixtiraamin xeerarka loo dajiyay ka hortaga xanuunka covid-19. Kuwaas oo markii danbe ay boolisku banaanka u saareen, kadibna ay qaarkood isku dayeen inay masaajidka xoog kusoo galaan, booliskuna uu ka hor istaagay.

Maxamed Faarax oo ah afhayeenka guruubka kale ee kasoo horjeeda gudiga masaajidka, khilaafkuna uu kala dhaxeeyo gudiga masaajidka ayaa sheegay inay masaajidka u tageen sabtidii, si ay aragtigooda uga dhiibtaan doorashada codeynta aheyd oo ay iyagu u arkeen inay aheyd mid aan sharciga waafaqsaneyn, kana duwan wixii uu soo dalbaday xafiiska gudoomiyaha gobolka Oslo.

Maxamed ayaa sheegay in kadib markii ay isku dayeen inay aragtidooda dhiibtaan, uu boolis iyo waardiyeyaal lasoo kireystay ay juujuub banaanka masaajidka ugu saareen, isaga iyo xubno badan oo kamid ah xubnaha masaajidka. Markii danbena loo diiday inay soo galaan. Wuxuuna sheegay in boolisku ay qeyb ka noqdeen khilaafka masaajidka, maadaama ay garab siiyeen mid kamid ah labada guruub ee khilaafka masaajidka uu ka dhaxeeyo.

NRK ayaa su´aalo dhowr ah u qoray booliska, kuwaas oo ku saabsanaa wixii ka dhacay masaajidka sabtidii iyo sababta ay boolisku xubnaha qaarkood banaanka ugu saareen, iyo eeda uga imaaneyso guruubka uu afhayeenka u yahay Maxamed Faarax.

Booliska ayaan ka jawaabin su´aalaha NRK, waxeyna kusoo gaabsadeen inay u tageen meesha si ay u sugaan amniga iyo xasiloonida, kadib markii ay fariimo heleen.

Labada guruub ee is heysta ayaa sidaas oo kale wargeyska Aftenposten siiyay laba aragti oo kala duwan oo ku saabsan dhacdadii sabtidii ka dhacday masaajidka.

Gobolka: Lacag masoo sii deyn doono ilaa wax kala cadaadaan.

Hege Skaanes Nyhus oo katirsan xafiiska gudoomiyaha gobolka Oslo ayaa wargeyska Aftenposten u cadeysay jiritaanka khilaafka labada kooxood ee soomaalida ah, iyo inay iyagu codsadeen inay soo kala cadeeyaan xeerka masaajidka uu ku dhaqmo. Waxeyna sheegtay in wali ay sugayaan in lasoo kala cadeeyo xeerka ururka masaajidka iyo arrimaha la xiriira, iyada oo Aftenposten u cadeysay in gobolku uusan masaajidka usoo sii deyn doonin taageeradii dhaqaale ee laga hakiyay, ilaa la cadeeyo arriman.

Hege skaanes Nyhus, seksjon sjef hos Fylkesmannen i Oslo og viken sier til aftenposten at de fortsatt venter på en avklaring rundt vedtektene, og at de ikke kommer til å dele støtten før disse er avklart.

Halkan ka akhri warbixnada:

NRK: Politiet bortviste moske-medlemmer

Aftenposten: Intern strid i somalisk moské gjorde at politiet måtte rykke ut. Sammenstøtet ble filmet.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x