Mette Frederiksen : Reysulwasaaraha cusub ee Denmark

Sida ay saaka cadeysay hey´adda caafimaadka dadweynaha dalka Denmark, waxaa maalmihii ugu danbeeyay magaalada Aarhus laga diiwaangaliyay 78 kiis oo ah dad laga helay xanuunka covid-19.

Arinta layaabka noqotay ayaa ah in hey´addu ay maanta sheegtay in 61 qof oo kamid ah 78-da qof ee xanuunka laga helay, ay yihiin dad soomaali ah.

Duqa magaalada Aarhus Jacob Bundsgaard ayaa shaley sheegay in kalabar dadka xanuunka laga helay maalmihii ugu danbeeyay ay yihiin dad katirsan bulshada soomaaliyeed ee magaalada Aarhus.

Maamulka magaalada Aarhus, kan gobolka Midtjylland iyo hey´addaha caafimaadka dowlada ayaa sheegay inay ka walaacsanyihiin arrintan, iyaga oo sheegay in sameyn doonaan talaabooyin arrintan inay soo noqoto looga hortagi doono.

Guud ahaan waxaa Denmark laga dareemayaa inay kor u kacday tirada dadka laga helayo xanuunka covid-19. Isbuucii lasoo dhaafay waxaa dalkaas laga diiwaangaliyay 494 xaaladood oo Coronavirus ah.

Xigasho/kilde: Tre af fire nye smittede i Aarhus er fra Somalia

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments