83 qof oo shaley laga helay covid-19: Tiradii ugu badneyd tan iyo bishii April.

0
135

Sida uu qoray wargeyska VG, waxaa 24-tii saac ee lasoo dhaafay xarumaha baaritaanka xanuunka Covid-19 laga diiwaangaliyay 83 kiis cusub oo dadka xanuunka Covid-19 laga helay ah. Tiradaas oo noqoneyso midii ugu badneyd ee hal maalin la diiwaangaliyo, tan iyo bishii April oo xanuunka uu aad ugu dhex faafsanaa Norway.

Isbuucan waxaa soo badanayo tirada kiisaska cusub ee dadka xanuunka covid-19 laga helayo ah, xili ay dad badan kasoo noqonayaa fasaxa xagaaga ee dibadda ay ugu maqnaayeen.

Dowlada ayaa shaley soo dajisay qodobo cusub oo looga hortagayo faafitaanka xanuunka, waxaa la amray in goobaha khamriga lagu cabo la xiro wixii ka danbeeyo 12-ka habeenimo. Sidoo kale dowlada ayaa dadka kula talineyso inaysan dalka ka bixin, ama ay ka baaqdaan safaradda dibadda ah ee laga maarmi karo.

Xigasho/kilde: HØYESTE DAGLIGE SMITTETALL SIDEN APRIL.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments