Foto: Vector illustration

Dhowr daraasad oo kala duwan oo laga sameeyay fursadaha helitaanka shaqada ee dadka ajaaniibta ah ama magacoodu uusan magac Norwiiji aheyn, ayaa lagu ogaaday inay aad u yartahay fursada helitaanka shaqada ee qofka ajnabiga ah, marka lala barbardhigo qofka Norwiijiga ah. XItaa hadii uu qofka ajnabiga ah shaqadaas kaga khibrad iyo aqoon badanyahay qofka Norwiijiga ah.

Arrintaas oo marar badan dad ajaaniib ah ku qasabtay inay magaca badashaan, oo ay magac Norwiiji ah qaataan, si ay kor ugu kacdo fursadooda u yeeritaanka wareysiga shaqada(Intervju).

Xisbiga SV oo kamid ah xisbiyada garabka bidix ee siyaasada Norway, ayaa soo jeediyay in codsiyada shaqooyinka heÿ́addaha dowlada lagu codsado qaab qarsoodi ah(Annonym), oo ka dhigan in qofku uu shaqada codsado isaga oo aan sheegin magaciisa, balse sheegayo aqoontiisa iyo khibradiisa. Si looga hortago faquuqa helitaanka shaqada ee dadka aan wadan magac qof Norwiiji ah.

SV ayaa aaminsan in arintaas ay dhimi karto faquuqa helitaanka dhanka shaqada oo ay la kulmaan dadka ajaaniibta ah.

Xigasho/kilde: SV med klar oppfordring: Vil ha anonyme søknader

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments