onsdag, mars 27, 2024

Trump oo saaxiibkiis xabsiga uga sii daayay qaab muran badan dhalisay.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa dhaliil xooggan kala kulmay go’aan uu xabsi kaga badbaadiyay Roger Stone oo ay muddo badan saaxiib ahaayeen, marna lataliye u ahaa.

Tallaabada Trump ayaa kusoo beegantay waqti yar kadib markii ay maxkamad diidday codsi uu watay Stone oo ahaa in dib loogu dhigo xilliga uu billaabayo xabsiga 40-ka bilood ah ee lagu xukumay.

Waxaa lagu helay dembiyo ah inuu been u sheegay Aqalka Congress-ka iyo inuu wax ka bedelay marqaati fur ka dhan ahaa.

Stone ayaa ahaa qofkii lixaad ee xiriir dhaw la leh Trump ee ay waaxda cadaaladda Maraykanka ku hesho dembi la xiriira baaritaankii ku aaddanaa faragelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii 2016.

Ninkan 67 jirka ah ayaa lagu waday in Talaadada uu iska xaadiriyo xabsi heer federaal ah oo ku yaal Jesup gobolka Georgia.

Aqalka Cad oo qoraal ka soo saaray arinta Stone ayaa sheegay inuu «dhibbane u yahay dhagarta lagu eedeeyay Ruushka ee ay wadeen kooxaha Bidixda iyo saaxiibadooda warbaahinta ee sanadaha badan lagu minja-xaabinayay Madaxtinimada Trump».

Falcelinta go’aanka Trump

Stone ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in Madaxweynaha uu telefoon usoo diray Jimcihii si uu ugu sheego go’aanka badbaadintiisa.

Waxa uu intaa raaciyay in warkaasi farxadda leh uu u dedaaldegay isagoo asxaab kula sugan Fort Lauderdale, Florida.

Siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraadiga ayaa si weyn u dhaliilay go’aanka Trump.

Gudomiyaha guddiga sirdoonka ee Congress-ka, Adam Schiff, ayaa sheegay in Trump uu muujiyay in laba nooc oo cadaalad ah ay ka jirto Maraykanka; mid gaar u ah «saaxiibaddiisa dembiilayaasha ah, iyo mid dadka kale loogu talagalay,»

Senator Elizabeth Warren oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegtay in Trump yahay madaxweynihii ugu musuq-maasuqa badnaa ee soo mara Maraykanka.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x