onsdag, april 24, 2024

Soomaali tartanka orodka kaga guuleystay Norwiiji.

Orodyahanka asal ahaan soomaaliga ah, balse heysta dhalashada Canada ee Mohammed Ahmed ayaa tartanka orodka xagaaga ee 5000 M kaga guuleystay orodyahano uu kamid yahay Jakob Ingebrigtsen ee kaalinta koowaad ka galay tartanka orodada dhexe ee Norway.

Mohamed Ahmed ayaa tartankan oo ka dhacay magaalada Portland ee gobolka Oregon ee dalka Mareykanka ku orday daqiiqado dhan 12.47,20, taas oo ah mudadii ugu gaabneyd ee sanadkan uu ku orday orodyahan ka qeybgalo tartamada orodada dhexe ee 5000 M.

Mohamed Ahmed oo asal ahaan Soomaali ah, ayaa lix ilbiriqsi(Second) ka hoos maray ninka dhigay rekordka orodada dhexe ee caalamka, kaas oo ah orodyahankii hore ee dalka Ethiopia ee Kenensia Bekele oo ku orday Daqiiqado dhan 12.37,35.

Xigasho/kilde: RECORD ALERT: Mohammed Ahmed smashes Canadian 5,000m record

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x