onsdag, april 24, 2024

Reysulwasaaraha Norway oo lagu canaantay adeegsiga App caan ah oo ay soomaalidu jeceshahay.

Aaladaha baraha bulshada ee internetka ay bulshadu ku wada xiriirto, waxaa labadii sano ee ugu danbeeyay kusoo biiray, adeegsigiisuna uu kor u kacay, App-ka loo yaqaan Tiktok oo adeegsigiisu uu si xowli ah ku qabsaday bulshooyinka caalamka, gaar ahaan dhalinyarada.

Tiktok oo ah App lamid ah Snapchat ama Instgram ayaa ah aalad qofka u sahleyso inuu muuqaalo kooban kula qeybsada asxaabtiisa ama bulshada inteeda kale. Waxaana inta badan adeegsada dhalinyarada iyo da’ yarta.

Tiktok ayaa waxaa iska leh shirkada ByteDance oo laga leeyahay dalka Shiinaha. Waxaana horey shirkadaha ka dhisan dalweynaha Shiinaha lagu eedeeyay inay wadashaqeyn dhow la leeyihiin heÿ́ addaha sirdoonka dalkaas, iyaga oo u sahlo inay helaan xogta keydsan ee qofka isticmaalada aaladaha ay shirkadahaas maamulaan.

Dalka HIndiya ayaa kamid ah dalalka mamnuucay adeegsiga App-ka Tiktok, waxaana hada qorshe noocaas oo kale ah wada dowlada Mareykanka.

Reysulwasaaraha Norway iyo waliba xubno katirsan golaheeda wasiiradda ayaa isbuucii hore sameysstay koonto ay ku leedahay barta Tiktok, waxeyna soo dhigtay muuqaalo ay kula wadaageyso bulshada, gaar ahaan dhalinyarada.

Khubarada dhanka amaanka internetka, ayaa reysulwasaare Erna Solberg iyo golaheeda wasiiradda ku canaantay adeegsiga App-ka Tiktok, iyaga oo sheegay inuu App-kaas sahli karo in dowladaha SHiinaha ay hesho xogta khaaska ah ee reysulwasaaraha Norway. Waxeyna sheegeen in Solberg ay aheyd inay ka fiirsato adeegsiga App-kaas oo horey looga digay.

Solberg ayaa hada tirtirtay bartii ay ku laheyd tiktok, waxaana khadka laga saaray muuqaaladii ay horey bartaas usoo dhigtay.

Xigasho/kilde: Tik Tok installert på flere mobiler i regjeringen

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x