fredag, april 26, 2024

Nin NAV 718.000 kr ka qaatay oo 4 bilood oo xabsi ah lagu xukumay.

Maxkamada Oslo ayaa nin 60-meeyo jir ah ku xukuntay 4 bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi ah inuu NAV sifo aan sharci aheyn uga qaatay lacag gaareyso 718.000 kr.

NAV ayaa ninkan ku eedeysay inuu mudadii u dhaxeysay 2012 ilaa 2014 NAV ka qaadanayay lacagta loo yaqaan «AAP» ee la siiyo dadka ay shaqadu uga fadhiistay sababo la xiriira xanuun ama dhaawac, isaga oo xiligaas heystay shaqo full ah. Ninkan ayaa xiliga uu lacagtaas qaadanayay ka shaqeynayay shirkad ka shaqeysa goobaha baabuurka la dhigto(Parkering).

Ninkan ayaa iska fogeeyay danbiga lagu eedeeyay, isaga oo sheegay inuu qabo dhibaato dhanka xusuusta ah, arintaas oo ay maxkamadu ku raacday. Balse maxkamada ayaa hadana xukunkeeda ku qiimeysay baaritaan dhanka fahanka iyo dhaqanka ah oo ninkan lagu sameeyay, iyada oo sheegtay in ninkan uu heystay shaqo ay qasab tahay inuu qofku fahankiisu sareeyo.

Maxkamada ayaa xukunkeeda afarta bilood ah ku sababeysay in mudada u dhaxeysay xiliga uu danbiga dhacay iyo maxkamada lahor keenay uu waqti badan u dhaxeeyo, sidaas darteed ay wax xoogaa dhintay mudada ciqaabta.

Xigasho/kilde: Mann fikk fire måneders fengsel for Nav-bedrageri

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x