Sida ay maanta shir jaraa´id ku sheegeen boolisku, waxaa xabsiga la dhigay hooyada dhashay labo caruur ah oo shaley meydkooda laga helay guriga ay ku noolaayeen. Sidoo kale waxaa isla guriga laga kaxeeyay hooyadood oo dhaawac ah, taas oo isbitaalka la dhigay.

Booliska ayaa shaley xiray aabaha dhalay caruurta la dilay, iyaga oo sheegay inay ka shakisanyihiin inuu isagu dilkooda ka danbeeyo. Balse isla shaley galabtii ayay boolisku sheegeen in eedeynta aabaha aysan aheyn mid cago badan ku fadhido, maadaama aan cadeymo wali lagu heynin.

Kadib wareysi ay boolisku la yeesheen hooyada caruurta dhashay ee dhaawaca aheyd, ayay sheegeen inay xabsiga kasii daayeen aabaha dhaley caruurta, iyaga oo hooyada caruurta dhashay ku eedeeyay inay ka danbeyso dilkooda.

Sharma-Sundheim oo booliska u hadashay ayaa sheegtay in labada caruurta ah ee la dilay, ay da´dooda ka hooseysay 10 sano.

Wali si sax ah looma cadeyn dhalashada labada waalid ee caruurta la dilay, balse warbaahinta qaarkood, gaar ahaan kuwa garabka midigta fog ayaa qorayo in aabaha caruurta dhalay uu asal ahaan kasoo jeedo Bariga dhexe, halka hooyada caruurta dhashay ee dilkooda ku eedeysan, ay tahay Norwiiji.

Xigasho/kilde: Lørenskog-tragedien: Moren til de to barna siktet for drap.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments