Isbitaalka: Mid kamid ah dumarkii uu ninka soomaaliga dhaawacay oo isbitaalka ku geeriyootay.

2
144

Sida ay xaqiijiyeen booliska, waxaa caawa geeriyootay mid kamid ah sadex qof oo dumar ah oo nin soomaali ah oo maskax ahaan u xanuunsanaa, uu mindi ku dhaawacay magaalada Sarsborg. Waxaana wali halis kujirto xaalada mid kamid ah labada qof ee dumarka ah ee dhaawaca noqday, halka mida sadexaadna uu dhaawaceedu fududyahay.

Sida ay NorSom News u xaqiijiyeen soomaalida degan Sarsborg, ninkan soomaaliga ah ayaa dhaawacay labo dumar ah oo soomaali ah oo ay daris yihiin, oo uu gurigooda ugu tagay. Halka uu boos(stasjon) lagu sugo bussas-ka uu ku dhaawacay haweenay Norwiiji ah oo buss sugeysay.

Qofka geeriyooday ayaa ah haweeneydii asal ahaan Norwiijiga aheyd, waxaana dhaawac culus uu soo gaaray hooyo soomaali ah oo dhaawaceeda diyaarad(helikopter) loogu soo qaaaday isbitaalka weyn ee magaalada Oslo.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay inay ku guuleysteen qabashada ninka soomaaliga ah, kadib daqiiqado badan oo ay raadintiisa ku jireen. Waxaana caawa xaafada uu falkan ka dhacay ee magaalada Sarsborg lagu arkayay boolis aad u badan oo gaaf wareegaya guryaha ku agyaal meesha dadka lagu dhaawacay.

Xigasho/kilde: Én kvinne er død etter knivstikkinger i Sarpsborg

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

2 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments