Germany oo Giriiga kasoo qaatay qoxooti ay dad Soomaali ah kujiraan.

0
167

Dawladda Jarmalka ayaa toddobaadkan soo qaaday in ka badan 80 qof oo qaxooti ah oo ay ku jiraan dad Soomaali ah, kuwaas oo laga soo qaaday dalka Greece. Dadkan ayaa ah dad u badan caruur iyo dad kale oo xanuunsan, kuwaas oo dowlada Germany ay dib u dajin nololeed u sameyn doonto.

Tirada dadkan oo isku dar ah 80 qof, ayaa waxaa kujiro ilaa lix qof oo soomaali ah, sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan jaaliyada soomaaliyeed ee Germany.Waxaana xerada qoxootiga ee dadjab kagfa sii qaaday ku sugan boqolaal kale oo qoxooti ah oo duruufo nololeed ay heystaan.

Germany ayaa sanadahan danbe noqday dalka ugu badan ee dadka magangalyo doonka ah ay u raadsadaan nolol iyo magangalyo, sidoo kale dowlada Germany ayaa kamid ah dowladaha dadka ugu badan kasoo qaata xeryaha qoxootiga, si dib u dajin loogu sameeyo.

Xigasho/kilde: VOA-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments