Dowlada Sweden oo geerida Sheekh M. Celi gudi baaritaan u saartay.

0
174
FOTO: SVT/SKJERMSNUT

Gudi katirsan hey´adda dowlada Sweden u qaabilsan arrimaha la xiriira la socodka caafimaadka iyo daryeelka bulshada(Ispektionen för vård och omsorg), ayaa bilaabay baaritaan la xiriira geerida AHN Sheikh Cabdiraxmaan Muxudiyiin Celi oo kamid ahaa culimada waaweyn ee dariiqada Qaadirayada.

Sheekha ayaa sababsaday xanuunka Covid-19, balse qoyska sheekh Celi ayaa hey´addaha caafimaadka magaalada Gotoberg ku eedeeyay inaysan wadaadka u fidin caawintii uu u baahnaa 2-dii isbuuc ee ugu horeysay ee xanuunkiisa, kahor inta aysan xaaladiisu kadarin, isbitaalkana aan la dhigin.

Halkan ka akhri warbixinta qoyska sheekha oo aan horey wax uga qornay.

Qoyska sheekh Muxyidiin Celi ayaa sheegay inay marar badan la xiriireen hey´addaha gargaarka caafimaadka, ayna ku wargaliyeen xaalada sheekha oo marba marka kasii danbeysay sii xumaaneysay. Waxeyna sheegeen inay codsadeen in loo diro gargaarka deg-dega ah, si sheekha loo geeyo isbitaalka, iyaga oo xaqiijiyay in sheekha lagula taliyay inuu xaafadiisa joogo, uuna qaato daawoyinka qufaca iyo xanuun jabiye.

Ujeedka baaritaanka ay bilowday hey´adda daryeelka caafimaadka, ayaa ah in lagu ogaado in sheekha noloshiisa la badbaadin jiray, hadii uu heli lahaa caawintii uu baahnaa, inta aysan xaaladiisa ka darin.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments