torsdag, april 25, 2024

Askarigii ceejiska dhulka ku dhigay wiilka soomaaliga ee xiran oo hadlay.

Laanta booliska Norway u qaabilsan dabagalka danbiyada ka dhaca askarta booliska ah xiliga ay shaqada kujiraan ayaa shaley sheegtay inay baaritaan ku fureen askari katirsan booliska Kristiansand, kaas oo ceejis dhulka la dhigay wiil soomaali ah oo uu wareysanayay.

Wiilkan oo magaciisa lagu magacaabo Qadar Osman Abdi ayaa xiligaas wareysi uu ku qiranayo danbi daroogo la xiriira waxa uu siinayay labo askari oo booliska katirsan. Waxeyna ka codsadeen inuu qoro magaca iyo passworkda koonto Snapchat ah. Qadar ayaa markii hore ka ogolaaday arintaas, balse markii danbe ayuu isbadalay, wuxuuna laa-laabay warqadii uu ku qoray koontada iyo password-ka snapchat-ka.

Sarkaalka booliska ayaa weydiiyay Qadar inuu warqada usoo dhiibo, balse Qadar ayaa diiday, wuxuuna markaas wixii ka danbeeyay ku sameeyay weerar qoor-qabasho oo uu rabay inuu dhulka ku seexiyo si uu warqada uga qaado.

Qadar ayaa muuqaal baahiyaha TV2 u sheegay inay weerarka ninka askariga ah darteed, ay neeftu ku dhaganeyd mudo 10-12 ilbiriqsi ah. Waxaana muuqaalka laga duubay dhacdadan laga arkayay in Qadar uu marar badan ku cel-celinayo inuusan wax is hor istaag ah uusan sameyn. Halkan kasii akhri warkan.

Askariga: Wax qaldan ma sameynin.

Sida uu TV2 u sheegay qareenka ninka askariga ah ee falkan kula kacay wiilkan soomaaliga ah, wuxuu aaminsanyahay inuu ahaa gacanqaad fudud oo aan sidaas usii weyneyn, isaga oo diiday inuu neefta ku dhajiyay wiilka soomaaliga ah ee uu wareysanayo.

Dhanka TV2 ayaa xaqiijiyay in askarigan falkan geystay uu sii wadanayo shaqadiisii caadiga ah, inta uu ku socdo baaritaanka kiiskan, aana lagu sameyn wax shaqo ka fariisin ah. Caadi ahaan askarta booliska ee falalkan oo kale lagu eedeeyo ayaa shaqada laga fariisiyaa inta ay ku socoto howsha baaritaanka ah.

Xigasho/kilde: Dette sier politimannen om den dramatiske videoen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x