Axadii la soo dhaafay, bishuna aheyd 07dii- Juun, 2020 ayaa Tv-ga dalkan Tv2 laga soo saarey wareysi ay ka hadleysey gabar Ilham Hassan la dhaho, oo 15 jir ah. Waxey ka warbixineysey cunsiriyad loo geystey iyo waxa ay ka qabatey.

Waxey tiri, anaigoo bas ku jira ayaa nin da` weyn candhuuf igu tufey. Sababta uu sidaa u sameeyayna ay aheyd neceyb uu u qabo hijabka.  Waxey Ilham sii sheegtey in ay booliiska ku dacweysey ninkaa, balse booliiska uusan wax weyn ka qaban dacwadeeda. Dhibkan iguma cusba ayay tiri, Ilham Hassan. Aniga iyo hooyadeey iyo dad kaloo aan aqaan cunsuriyeen waan la kulaney. Dhawr jeerna booliiska baan ku dacweeney.  

Waxaa aad ii soo jiitey ma aha ficilka xun ee gabadhaa loo geystey, nasiib xumo tacadiyadda iyo naceybka ku saleysan midab, diin ama jinsiyad aad bey soo badanayaan waayahan dambe. Oo candhuuf laysku tufo ama afka layska af lagaadeeyo xaaladu wey dhaaftoo, waxey mareysaa gacan laysu qaado iyo xoog laysu sheegto. Waxaase aad ii soo jiitey da`da ay Ilham aheyd iyo sida geesinimada ah ay ficilkaa uga hadashey. Sida aan ogsoonahney, waa cunsurinimo labo jibaaran marka lagugu takooro diintaada iyo midamkaaga.

Dhibabka ku saleysan cunsurinimadda, bahdilidda iyo takoorida waa ficilo aad u xunuun badan, dhaawacna ku ah shakhsiyadda, sharafta iyo quluubta qofka. Waxaa jira dadad uu dhibkan la soo gudboonaadey, balse ka aamusey oo aan ka ficiltamin, daruufooyin jira aawadeed, sida qofka oo aan awood wakhti, maal ama tamar u aheyn dabaraaca howshan iyo u dagaalanka xaquuqdii. Waana waxa igu kalifey in aan muujiyo kartida iyo geesinimadda ay gabadhan da`da yar ay muujisey. Ku dayashana mudan.  

Cunsurinimo dalkan wey ka jirtaa, hadey noqoto mid qarsoon ama mid muuqata. Balse ka hadalka iyo muujinta dhibabkaa wey adkaan jirtey, taasoo saameyn ku sii yeelan jirtey in dhibanaha la aamino. Laakiin siduu u dhacey dilkii George Floyd, oo ahaa ninkii Madoowga Mareykan ee booliska Minneapolis, Minnesota ay dileen 25-kii May 2020 waxey sahashey in xumaanta cunsurinimada ay leedahey la soo bandhigi karo, laga hadli karo, lagana doodi karo. Iyadoo ay taa jirto, baa hadana waxaa jira daddad iyo xisbiyo awood ku leh dalkan, oo aan aamisaneyn in ay cunsurimo jirto.  

Waxa ugu muhiimsan ee geesinimadda Ilham Hassan laga baran karo ayaa ah in aan xumaanta iyo dhibka aan la qarsan. Daddad badan oo cunsurinimo ka soo gaadhey dhanka waxbarashadda, shaqada, guryo kireynta iyo isbootiga caruurta oo aan la kulmey, badankood waxey ahaayeen dad iska aqbaley dhibkaa oo ka aamusey, halka in tiro yar ay ka dagaaltameen dhibkaa. Kuwaa u dagaalatamey xaquuqdoo, qaarkood raalo gelin ayay heleen, halka kuwo kalana magdhow dhaqaale ay heleen.  

Waxaan ku jirnaa xaalad qalafsan, oo cabsida iyo cunsurinimadda ay sii badnaanayaan, saameyn weyna ku yeelan karto quluubta iyo koritaanka dhalaanka aan halkan ku korineyno, hadeynaan barin xaquuqdood, anagana u noqon tusaale ku dayasho mudan.   

Sharciyada dalkan ka jira, ama u dhalo ama ajaanib ka ahoow waan u wada siman nahney. Xaquuqdaada iyo sharafta aad mudan taheyna, heli meysid hadaadan u dagaaltamin qiimahaaga.

Nasiib wanaag, waxaa maantey bulshada soomaalida Norwey ku jira dadad nolosha dalkan horumar weyn ka gaarey, sharciyadda iyo nidaamka dalkan bartey. Dadkaa waxey diyaar u yihiin in ay dadka caawiyaan, hadii lala xiriiro.

Qoraalkan isagoo ku qoran luuqada norskaha waxaa laga heli karaa halkan:- http://ubahaden.com/index.php/2020/06/14/ilham-hassan-den-modige-jenta/?fbclid=IwAR1ZRAuR-crMT4XiDS8X5nAoPvdI3nvNcHgGkgGMzQ4mzznmOd9NgA-060c

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments