Xaafad Bergen katirsan oo la codsaday in magaca laga badalo: Magaca nin adoomaha ka ganacsan jiray.

0
126
Foto:TOMOYOSHI NOGUCHI

Møhlenpris waa xaafad katirsan magaalada Bergen, waxaana loogu magacdaray Jørgen Thor Møhlen oo ahaa ganacsade Norwiiji ah oo ganacsade reer Bergen ah oo noolaa qarnigii 16-aad, kana ganacsan jiray waxyaabo ay kamid ahaayeen dhoofinta dadka adoomada ah ee Afrika laga qafaasho.

Maadaama isbuucyadii ugu danbeeyay Norway aad loo hadalhayay mowduuca cunsuriyada, waxaa soo badanayo dalabyo loo jeedinayo maamulka magaalada Bergen, kaas oo ku saabsan in magaca Møhlenpris laga badalo xaafadaas.

Marka laga tago dhoofinta adoomaha, wuxuu Jørgen Thor Møhlen sidoo kale ahaa ganacsade wax badan ka sameeyay magaalada Bergen xiligii uu noolaa, magaaladana ka sameeyay warshado iyo ganacsiyo waaweyn.

Marka laga tago dalabka ku aadan in magacaas laga badalo xaafada, waxaa jiro dad aaminsan in magac la badalo aysan hada waxbo soo kordhin doonin, maadaama ay kasoo wareegtay 400 sano xiliga uu ninkaas noolaa.

Waxaa sidoo kale magaalada Bergen kuyaal jidka Thormøhlens Gaete oo loogu magacdaray isla ganacsadahan, waxaana la dalbanayaa in magaciisa laga badalo jidkaas oo ay hada maraan kumanaan qof oo ajaaniib ah oo magaalada kunool.

Xigasho/kilde: Det er på tide å skifte navnet på Møhlenpris

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments