wiil Somali ah oo gabar soomaali ah ku dhaawacay Germalka, kadib markii uu isku dayay inuu kufsado.

0
200

wiil 16-sano jir soomaali ah ayaa jimcigii lasoo dhaafay lagu qabtay magaalada Mühlacker ee dalka Germany, kaddib markii uu dhaawac culus gaarsiiyey gabar 23-jir ah oo soomaali ah oo uu isku dayay inuu kufsado.

Gabadha oo markiiba isbitaalka loola cararay ayaa waxaa wejiga uga yaalley qaniinyooyin waawayn sida ay sheegeen boolisku, iyad aoo saacadda uu fakan dhacay aheyd ku dhawaad 3-dii habeenimo(saq dhexe kadib). Waxaana falkan boolisku ku wargaliyay dad daris ah gabadha oo maqlay qeyladeeda. Wuxuuna falkan ka dhacay dhismo kuyaal deegaanka Bahnhofstrasse oo ah guryo ay deggan yihiin qaxootiga ku nool magaalada Mühlacker.

Wiilkan 16-jirka ah ayaa la sheegay inuu gabadha oo xaas la qabo ah waydiistey arrimo jinsi ah, balse ay ka diiday. Wuxuuna intaas kadib ku qaaday weerar xoogeysi ah, isaga oo dhaawacyo xoogan oo qaniinyo ah gaarsiiyay qeybo kamid ah wajiga gabadha soomaalida.

Haweenayda ayaa waxaa markii loo qaaday isbitaalka, waxaana wiilka loo kexeeyey Maxkamadda Degmada Pforzheim, taasoo go´aamisay in xabsiga la dhigo, ilaa kiiskiisa ay boolisku kasoo baarayaan.

Waxyaabaha la baarayo waxaa ka mid ah in wiilkan falkan gurracan ku kacay uu daroogo ama khamri isticmaalay, xiriirka ka dhaxeeyay labadooda iyo waxa keenay in wiilkan uu dhaawacyada intaas le eg gaarsiiya haweeneyda ay isku wadanka kasoo jeedaan. Wiilka ayaa ilaa hada diidan inuu u waramyo booliska, sid ay qoreen warbaahinta lokalka ah.

Xigasho/kilde: Hadalsame

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments