lørdag, april 20, 2024

Waa imisa mushaarka Reysulwasaaraha Norway, Erna SOlberg?

Warbaahinta dalkan Norway ayaa maanta hadalheysay mushaarka uu sanadkii qaato nin lagu magacaabo Trode myrhol oo ah hogaamiyaha kacdoonka shacabka kasoo horjeedo bomka baabuurka (Isbaarada sharciyeysan), kaas oo sidoo kale ah siyaasi lokal ah oo katirsan maamulka magaalada Stavanger. Wuxuuna Trode sanadkii qaataa mushaar dhan 1.840.000 kr.

Dad badan ayaa aaminsan in mushaarka siyaasigan xilka hoose hayo uu sanadkii qaato uu yahay mid aad u badan, marka lala barbardhigo mushaarka ay sanadkii qaadato reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg oo heysata shaqada ugu culus, uguna muhiimsan sanadkii. Waxeyna Erna sanadkii mushaar ahaan u qaadataa lacag dhan 1.740.000 kr. Waxeyna 100.000 kr ka mushaar yartahay ninkan katirsan maamulka deegaanka Stavanger.

Erna Solberg ayaa aad uga mushaar yar dad badan oo ka shaqeeyo hey´addaha dowliga ah ee xukuumadeeda ka hoos shaqeeyo: waxeyna ka mushaar yartahay tusaale ahaa madaxa hey´adda NAV(Halkan ka akhri). Waxaa xusid mudan mushaarkeeda ay qoondo(%) ku leeyihiin xisbiga ay hogaamiyaha u tahay ee Høyre.

Xigasho/kilde: Han tjener mer enn statsministeren

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x