UK: Weerar mindi loo adeegsaday oo 3 qof lagu dilay.

0
72
Foto: EPA

Saddex qof ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, weerar mindi loo adeegsaday oo kutaal meel baabuurta la dhigto oo kutaal magaalada Reading ee dalka Ingiriiska. Qofka weerarka geystay ayaa toori la dhex qaaday dad ku sugnaa goobtaas oo ah meel lagu nasto.

Warbaahinta gudaha ee dalka Ingiriiska ayaa qoreyso in nin qoxooti ah oo kasoo jeedo dalka Libya, magaciisana ay ku sheegeen Khairi Saadallah lagu tuhunsanyahay inuu falkan ka danbeeyay.

Waxaa jira warbixino sheegaya in sarkaal booliis ah uu si dirqi ah ku qabtay tuhmanaha isaga oo isku deyaya inuu baxsado sida laga soo xigtay wargeyska Sunday Mirror.

Taliyaha booliska Thames Valley ayaa sheegay ineysan jirin cid kale oo ay ku daba joogaan weerarkan.

Xigasho/kilde: Reading stabbings: Suspect revealed as Libyan Khairi Saadallah as police declare terror incident.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments