tirsdag, april 23, 2024

UDI: Qoxooti ayaan Video-live ku wareysan doonaa.

Dowlada Norway ayaa sanadkii hore sheegtay inay dib u dajin u sameyn doonto 3.000 qof oo qoxooti ah, kuwaas oo ku sugan xeryaha qoxootiga caalamka. Balse mudadii lagu jiray xanibaada xanuunka Corona, waxaa joogsatay howshii wareysiyada iyo soo qaadista dadkaas ee Norway, sida uu NRK u sheegay madaxa hey´adda UDI.

UDI ayaa go´aansatay in si video-live ah(Fogaan arag) intervju(wareysi) looga qaado 53 qof oo qoxooti ah oo ku sugan dalka Libya, intii si fool ka fool ah wareysi(intervju) looga qaadi lahaa. Waxeyna sheegeen in hadii dadkaas loo ogolaado inay Norway loo soo qaado, lasoo qaadi doono markii ay fursadu u ogolaato ama ay dhamaato xayiraada xanuunka Corona.

Sidoo kale hey´adda qoxootiga ayaa sheegtay inay jiraan dad horey u maray wareysiga, loona ogolaaday inay Norway soo galaan, balse aan wali helin fursad lagu soo qaado. Dadkaasna ayaana wali ku sugan xeryahaya qoxootiga ee wareysiyada ay ku mareen. Waxeyna hey´addu sheegtay inay ka shaqeyn doonto sidii dadkaas Norway loogu soo qaadi lahaa.

Madaxa hey´adda qoxootiga ayaa sheegay in sheegay inay filayaan in sanadkan ay awoodaan inay dib u dajin u sameeyaan 2000 kamid ah 3000 qof ee Norway ay balanqaaday inay dib u dajin u sameyso, wuxuuna sabab uga dhigay xaalada xanuunka Corona.

Xigasho/kilde: Korona gjør det vanskelig for UDI å intervjue flyktninger. UDI tror også at de bare klarer å ta imot 2.000 kvoteflyktninger i år. Planen var 3.000.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x