torsdag, april 18, 2024

Trump: Wixii hada ka danbeeyo, Milatariga ayaan xilka kala wareegayo maayarada shaqadoodii gabay.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ka digay inuu amar siin doono milatari kala ceyrin karo xasiloonidarrada ay shacabku ka wadaan dalka Mareykanka oo dhan, kuwaas oo ka dhashay dilkii loo geystay nin madow ah oo booliska gacantooda ku jiray.

Wuxuu Trump sheegay maamullada magaallooyinka iyo baraasaabyada gobollada iney ku guul dareysteen xakameynta mudaharaadyada iyo «iney difaacaan shacabka» sidaa darteed uu ciidama milatari oo rabshadahaasi soo afjaro uu howlgelin doono.

Mudaharaadyada looga soo horjeedo dilka loo geystay George Floy ayaa maalinti toddobaad ka socda dalka Mareykanka.

Xilliga uu Mr Trump aqalka cad warbaahinta kula hadlayey, boolisku waxay sunta indhaha ka ilmeysiisa ku kala eryeen boqollaal mudahaaradaayl ah oo mudaharaad halkaasi ka waday.

Madaxweynaha oo beerta aqalka cad lug ku soo dhexmaray ayaa gaaray kaniisadda St John oo ku dhaggan aqalka cad oo ay mudaharaadayaasha waxyeella u geysteen. Wuxuuna madaxweynaha cambaareyn iyo caro uu dusha kala dhacay dadka mudaharaadyada nabadeed u beddelay rabshado iyo iney hantida shacabka burburiyaan.

Dhanka kale, tobaneeyo magaalo oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo rogay bandow hal habeen ah, halka magaalada Wahington DC lagu kordhiyey laba habeen oo kale.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay bandowga laga dhaqan geliyey Washington DC in si adag loo fulinayo.

Barasaabka New York wuxuu sheegay bandowga habeenki magaalada lagu soo rogay in looga gol leeyahay si looga hortago rabshadaha iyo waxyeellada hantida loo geysanayo.

Wuxuuna sida oo kale Barasaabku uu ka digay mudaharaadayaal tira badan oo meel isugu yimaadda ay sababi karto inuu coronavirus uu si fudud u faafo.

Balse mudaharaadayaasha ayaa iska sii wata mudaharaadyadooda iyaga oo aan u aabbayeelin bandowga magaalooyinka lagu soo rogay.

Mudaharaadyada Mareykanka oo dhan gilgilay ayaa billaawday marki la shaaciyey muuqaal muujinaya Mr Floyd oo 46 jir ah oo qoorta jilibka ka saaray askari boolis caddaan ah xilli uu Floy booliska gacantooda ku jiray.

Askariga dilka geystay Derek Chauvin oo lagu soo oogay dacwad dil ah ayaa maxkamadda la horgeyn doonaa toddobaadka soo socda. Halka askartii kiiska ku wehlisay shaqada laga eryey oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x