torsdag, april 25, 2024

Sweden: Waxaan noqonay go´doon lagu maadeysto.

Dowladaha dalalka Norway iyo Denmark ayaa jimcihii lasoo dhaafay ku heshiiyay inay isku furaan socdaalada fasaxyada la xiriira, ayna muwaadiniinta labada wadan dalxiis u kala tagi kalaan labada dalba(Halkan ka akhri). Balse dhibaatada jirta ayaa ah in Norway iyo Denmark aysan xuduud toos ah laheyn, waxaana u dhaxeeyo Sweden oo ay kajirto xaalad ka duwan tan dalalka kale ee Nordica.

Reysulwasaaraha Norway ayaa sheegtay in wadahadalo uu u socdo madaxda wadamada Nordica, kuwaas oo ku saabsan sidii la isugu furi lahaa xuduudaha dalalka Nordica. Balse caqabada ugu weyn ee arintaas hortaagan ayaa sida muuqato ah xaalada dalka Sweden, kaas oo xanuunku uu wali ku badanyahay, marka lala babbardhigo wadamada kale ee Nordica.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Sweden, Michael Dampery ayaa sheegay in wadahaldaas ay yihiin kuwo aan wali lagu guuleysan. Dhanka kalena qeybo badan oo kamid ah wadamada EU-da ayaa iyagana ka shaqeynayo sidoo loo furi lahaa xuduudaha dalalka EU-da.

Sidoo kale dalalka fasaxyada loo tago ee Giriiga iyo Qubrus ayaa horey u sheegay inay xuduudooda u furi doonaan wadamada Nordica, marka laga reebo Sweden. Shirkadaha diyaaradaha ayaa sidoo kale shuruudo adag kusoo rogay muwaadiniinta dalka Sweden u dhalatay, kuwaas oo la xiriira ka hortaga xanuunka covid-19.

Baraha bulshada ee dalalka kale ee Nordica, waxaa ka socdo qoraalo iyo doodo ay dadku ku sheegayaan, waxaan qaban lahaa waxaas, hadii aysan Swedish saas sameyn. Waxaan aadi lahaa meeshaas, hadii aysan Sweden daris ila aheyn.

Muwaadiniinta u dhalatay dalka Sweden oo qaarkood la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in dalalka kale ee Nordica ay Sweden ka dhex noqdeen dal go´doon ah oo lagu wiirsado(qoslo). Waxaana taas sabab looga dhigay qaabka ay Sweden dooratay inay uga hortagto faafitaanka xanuunka Covid-19.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x